Somaliland Oo Lagu Tilmaamay Meel Hodan Ku Ah Shidaalka

0
Wednesday January 18, 2023 - 15:20:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Lagu Tilmaamay Meel Hodan Ku Ah Shidaalka

    "iyadoo xaddiga shidaal ee qorshaysan ku sheegtay wax ka badan laba bilyan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"iyadoo xaddiga shidaal ee qorshaysan ku sheegtay wax ka badan laba bilyan"



Hargaysa (HWN) Shirkadda Genel Energy ayaa website-keeda ku qortay xog kooban oo ku saabsan shidaalka Somaliland. Genel Energy waa shirkadda rukhsadda u haysata inay shidaal ka qoddo Somaliland, sidoo kalena waddamo badan, sida Ciraaq, ka qodda shidaalka.


 

Genel Energy ayaa Somaliland ku tilmaantay meel hodan ku ah shidaalka, iyadoo xaddiga shidaal ee qorshaysan ku sheegtay wax ka badan laba bilyan oo foosto.



 

Sida shirkadda Genel qortay, boqolkiiba 50 ayay shirkaddu bixinaysaa kharashka shidaal qodidda ee ceelka Oodweyne laga qodayo, oo ku astaysan SL-6, SL-7, SL-10A.


 

Sidoo kale ceelka ku astaysan SL10B13 ayaa shirkadda Genel heshiis kula gashay Somaliland, iyadoo shirkad laga leeyahay dalka Taywan ee CPC ay bixinayso boqkiiba 49 kharashka soo saarista shidaalkaas, halka shirkadda Genel bixinayso boqolkiiba 51, iyadoo la rejaynayo in 200 milyan oo foosto laga soo saaro ceelkaas.


 

Sidoo kale shirkaddu waxay tilmaantay inay deegaannada Somaliland ka bilowday kaalmooyin iyo maalgalin bulshooyinka ka ag dhaw goobahaas.


 

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili Dawlada Somaliya sheegtay inay culayska saarayso sidii loojoojin lahaa in lasoosaaro shidaalka Somaliland la sheegay in uu kujiro, hadalkaasi oo xukuumada Muuse Biixi ee Muddo kordhinta ku fadhidaana si cadho leh uga jawaabtay.

Loading...
Loading...