Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay laftagareen & siyaasiyiinta mucaaradka

0
Wednesday January 18, 2023 - 10:47:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay laftagareen & siyaasiyiinta mucaaradka

    Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka.



Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.


 

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo)

Loading...
Loading...