Riyadii Wadaniyada Soomaalida oo Rumoobi Weysey

0
Wednesday January 18, 2023 - 10:42:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Riyadii Wadaniyada Soomaalida oo Rumoobi Weysey

    Soomaalida waxaa ku adkaatay iney aragtida dowladnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida waxaa ku adkaatay iney aragtida dowladnimada


Riyada wadaniyadda Soomaalida waxey tahay in dhamaan dhulalka Soomaaliyeed la isugu keeno hal dal oo ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, jamhuuriyadaas oo leh hal madaxweyne, hal dastuur, hal lacag qaran, hal baasaboor, hal shacab, hal baarlamaan, hal garsoor, hal ciidan, hal dowlad dhexe xoogan, iyo hal caasimad oo ah xaruunta dowladda dhexe oo ah iftiinka rajada Soomaalinimada.



Rajadaas waxaa dhantaalay waxyeeladii uu reebay xeerarkii iyo xuduudihii uu ka tegey gumeystaha reer Yurub oo ka sokow dhulalka Soomaaliyeed oo uu siiyey wadamada deriska, u aasay jamhuuriyada Soomaaliya masiibooyin dhaliyey dhaqanrog siyaasadeed oo waxyeelooyinkoodu ay curiyeen u hogaansami la’aan awooda dowladda dhexe, diidmada jiritaanka dowlad dhexe oo xoogan oo isku haysa dhamaan dalka oo dhan, maamulxumo ay hogaamineyso dowlad goboleedyo ku dhisan xukun qabyaaladeed, madaxbanaani ka turjumeysa diidmada ku dhaqanka sharciga dalka, dabar goynta xiriirka wadajirka isugu haya wada dhalashad shacabka Soomaalida, iyo qowleysato ku adeeganaya goonigoosashada maamul goboleedyada.


Soomaalida waxaa ku adkaatay iney aragtida dowladnimada iyo qabyaaladda kala saari weyso qiimahooda, waxeyna dhaqan ahaan maamulkii siyaasada isticmaarka ka dhaxleen xoojinta dimoqaraadiyadda ku dhisan qabiilka oo midnimada wadajirka shacabka kala dhantaalayey, taas oo horseedeysa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo horumar la’aan, khilaaf bulsho, saboolnimo, musuq maasuq, iyo xasiloonidaro kiciysa gadood shacab.


Marka ay dhunto wanaaga dowladnimada ku dhisan xukun mida oo leh dowlad dhexe oo xoogan, waxaa xoogeysanaya burburka dhaqaalaha dalka iyo midka dadka oo ay xanibayaan maamulo dowladda dhexe ka xarig furtay oo xuduudahooda badeecadaha iyo ganacsiga dadka isdhaafayey ku kala dhantaalaya, taas oo keeneysa shabakadaha waxsoosaarka iyo suuqyada ganacsiga gudaha ineysan yeelan canshuur mideysan oo salka ku haysa wada shaqeynta dhaqaale mida oo hoos timaada awooda dowladda dhexe, waxaana taas ka abuurmaya kala duwanaanshaha hanaan dhaqaale oo qiimaha sicirbararkiisa aan la xakameyn karin.


Maamulada iskood u madaxabanaan waxey dalka dib ugu celinayaan xukuumadihii qabiilada u qeybsanaa ee dalka ka jirey berigii hore inta ka horeysey maamuladii gumeysteyaasha, waxeyna dowalad goboleedyadaas meesha ka saarayaan jiritaanka qaran leh difaac mideysan, lacag mideysan, hanaan waxbarasho oo mideysan, hanaan dhaqaale mideysan, xiriir caalamiya oo mideysan, diin mideysan, af mideysan, hanaan siyaasad mideysan, suuq mideysan, garsoor mideysan, dastuur mideysan, baarlamaan mideysan, hogan mideysan, dhaqan mideysan, musik iyo cayaaro hido mideysan, xuduud mideysan, maamul mideysan, iyo baasaboor mideysan.


Jamhuuriyadda Soomaaliya dhibaatada ugu weyn hadda waxaa ku haya madaxda maamul goboleedyada oo u ooman awood haysasho ay danahooda gaarka ah ugu adeeganayaan, taas oo qaadsiineysa mariinka damaca kelitalisnimada, waxeyna awooda dowladda dhexe u diidayaan ineysan marna dhumin awooda xukunka dowlada gacmahooda ku urursan, waxeyna sameynayaan xataa haddii ay kalifto iney u adeegaan maslaxada danaha shisheeye oo ay suurtogal tahay iney halis weyn ku tahay maslaxada danta guud ee dadka iyo deegaanka ay maamulayaan.


Soomaaliya waxey mustaqbalka dhow u baahan tahay hogaamiye dagaal adag la gala madaxda maamul goboleedyada degaanadooda fidnada uga gooyey talada madaxtooyada xukunka dowladda dhexe oo haddana dowlad goboleedyadooda ku maamulaya dhaqanka qowleysatanimada. Waxaa lagama maarmaan ah in awooda dowladda dhexe ay ka shaqeyso dhamaan dalka oo dhan, taas oo dagaalka wajigiisa labaad ka dhigeysa mid ku wajahan in xukunka iyo sharciga dowladda dhexe shuruud la’aan lagu wada fidiyo dhamaan dhulalka ay ka arrimiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Sida dowladda Itobiya oo kale oo ah dowlad federaala ay ula dagaalantay madaxtaaga Tigreyga oo isbiday awood dheeraada oo ka sareysa mida dowladda dhexe, ay ugu kaliftay hogaamiyaheeda inuu si qasab ah uu xoog dib ugu soo celiyo ka amar qaadashada awooda xukunka dowladda dhexe iyo ka mid ahaanshaha dalka, ayaa sidaas si la mid ah ay Soomaaliya ugu baahan yahay in la helo hogaamiye Soomaaliyeed oo xoog iyo sharci isugu haya midnimada shacabka iyo wadajirka dhulalka jamhuuriyadda Soomaaliya.


Waxaan shaki lahayn in baahi weyn loo qabo helida madaxweyne Soomaaliyeed oo ku dhiirada isku haynta dalka oo dhamaantood dhulalkiisu wada hoos keena awooda maamulka xukunka dowladda dhexe. Taas waxey rajo wanaagsan u tahay hididiilo gelinta shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dareemaya midnimo iyo wadajir ummadeed, iyo weliba rajada ay qabto wadaniyada Soomalida oo weli sii dhowraysa soo ifbaxa hogaamiyihii isku baadi goobi lahaa mideynta Dhulalka iyo shacabka Soomaaliweyn.


 

Dr. Saciid Ciise Maxamud


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...