Maxay Tahay Fariinta Wasiir Koore Beeniyay Ee La Iskaga Horkeenayo Dhalinyarada Laascaanood?

0
Wednesday January 18, 2023 - 08:37:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Fariinta Wasiir Koore Beeniyay Ee La Iskaga Horkeenayo Dhalinyarada Laascaanood?

    "lakiin been abuurka iyo waxyaabaha anshaxa dhaqanka siyaasiga ka baxsan in…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"lakiin been abuurka iyo waxyaabaha anshaxa dhaqanka siyaasiga ka baxsan in…"



Hargaysa (HWN) Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa beeniyay in uu isagu qoray fariin Whatsapp lagu diray oo sheegay in lacag looqaybiyo dhalinyarada Laascaanood si ay usameeyaan mudaharaad lagu taageersanyahay Somaliland.



Wasiirka ayaa sheegay in aanu isticmaalin Whatsapka lagu baahiyay fariintaasi, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Masuuliayadda qaranka waxa I faraysa in la kala aragti duwanaan karo oo bulshadu fikir ahaan kala duwanaan karto, lakiin been abuurka iyo waxyaabaha anshaxa dhaqanka siyaasiga ka baxsan in la isticmaala Waa dulinimo.

 

Waxaan idin cadaynayaa in aan waxa halka lagu qoray yahay waxa beenaale doqon ah sameeyey xirafada ama habka loo yaqaan "narrative” ay u baahantahy qaab loo sameeyo oo an ahyn qofka waxaanu odhan in laga sameeyo. Taas oo qofka la dhaliili karo waxqabdkiis iyo adeeg yada hayadaha ay bixiyaaan, lakiin in qofka lagu sameeyo been abuur aan sal iyo raad toona lahyn anshax xumo weyn.

 

Waxaan idinku soo gabogabaynayaa in ciwaankaas uu  yahy mid been abuur ah aniguna aan isticmaalin WhatsAppkaas.”


No description available.


 

Loading...
Loading...