Messi Oo Ku Biiraya Olole Lagu Caawinayo Dadka Aragga Naafada Ka Ah Ee Itoobiya

0
Wednesday January 18, 2023 - 08:27:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi Oo Ku Biiraya Olole Lagu Caawinayo Dadka Aragga Naafada Ka Ah Ee Itoobiya

    "Haatan waxaa farsamadan OrCam ku biiray Messi oo lagu wado in uu ku caawin doono indhooleyaasha Itoobiya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haatan waxaa farsamadan OrCam ku biiray Messi oo lagu wado in uu ku caawin doono indhooleyaasha Itoobiya"



Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in kabtanka xulkii kubbadda cagta ee Arjentine ee dhowaanka ku guuleystay koobka Adduunka Leonel Messi uu sheegay in lagu sharfay in uu ku biiro dadaal ay waddo shirkad lagu magacaabo OrCam oo qalabka aragga caawiya igu deeqeysa Itoobiyaanka aragga naafada ka ah.

 

La’aanta aragga ayaa ka mid arrimaha dhinaca caafimaadka ee ugu daran dalka Itoobiya iyadoo daraasadaha qaar ay muujiyeen in dhacdooyinka indhoolenimada ee dalkaa ay yihiin in ku dhow 2% dadka dalkaas.

 

Sida ay shirkadda OrCam ay sheegtay qalabkooda caawiya aragga waxaa uu hagaajiyey sida ay sheegtay shirkadda nolosha shaqsiyaadka indhooleyaasha ah ee aragga la’ ee akhriska aan awoodin.

 

Sanadkii hore iyagoo gacan laga helayo deeqbixiyeyaasha ayaa marwada ra’iisul wasaaraha Itoobiya xafiiskeeda waxay ku deeqeen qalab caawiya aragtida oo la gaarsiiyey 2000 oo qof oo u badan arday iyo shaqaalaha dowladda.

 

Haatan waxaa farsamadan OrCam ku biiray Messi oo lagu wado in uu ku caawin doono indhooleyaasha Itoobiya lacago loogu iibiyo qalabkan caawinaya indhooleyaasha Itoobiya iyadoo saraakiisha xafiiska shirkaddaasi ay sheegeen in haddii ay indhooleyaashu helaan qalabkaas ay awoodi doonaan in ay akhriyaan farta Amxaariga oo ah luuqadda looga shaqeeyo dalkaas iyo sidoo kale Ingiriiska

 

BBC


Loading...
Loading...