Sargaal Diiday Fududeyn Musuq Maasuq Oo Xukuumada Muuse Xidhay

0
Tuesday January 17, 2023 - 10:23:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sargaal Diiday Fududeyn Musuq Maasuq Oo Xukuumada Muuse Xidhay

    "Kornayl Maxamed Cali maanta ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xadhig"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kornayl Maxamed Cali maanta ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xadhig"



Hargaysa (HWN) Bashiir Cumar Geelle  oo ah xoghayaha Biyaha Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay qaabka xadhig iyo darajo ka xayuubin la iskugu daray sargaal ka tirsan ciidanka Sirdoonka Somaliland, sargaalkaasi oo la yidhaa Maxmaed Cali Yuusuf.

 

Maxamed waa Gaashaanle Sare, waxaanu sheegay Xoghaye Bashiir in uu sargaalkani diiday in uu fududeeyo hanti dawladu leedahay oo la doonayay in la musuq maasuqo.

 

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf Cartan oo ahaa hogaanka arimaha dibeda ee ciidanka sirdoonka muddo 3 bilood ku dhow ayuu u xidhan yahay taliska Muuse Biixi.

 

Saddex  toddobaad ka hor ayaan anigu ka qaybgalay dhegeysiga dacwadiisa oo la keenay Maxkamad furan oo ciidanku leeyahay oo ku taal wasaarada gashaandhiga dhexdeeda.

 

Eediisu waxay ahayd saddex qodob oo kala ah.

1. Inuu sameeyey amar diido ciidan amarkaas oo uu ka diidey taliyaha ciidanka sirdoonka.

2. Inuu telefoonka ka qaban waayey taliyaha sirdoonka.

3. Iyo inuu hanti dawladu leedahay magiciisa ku qortay.

3 markhaati ayaa goobta la keenay oo ka tirsan ciidanka sirdoonka.

 

Laba sarkaal iyo gabadh waaxda maaliyada sirdoonka ka shaqaysa saddexduba waxay keliya oo caddeeyeen telefoonka inaanu qaban laba maalmood taas asbaabta uu u qaban waayey ay tahay in isaga la weydiiyo lakin saddexduba waxay sheegeen in aanay ogayn amar la faray oo uu diidey.

 

Sababta rasmiga ah lagu haystaa waa in diidey in uu fududeeyo hanti qaran iyo gaadiid magaca Somaliland lagu soo deeqay oo si qalad ah la rabey in loo qaybsado.

 

Gaadiidkaas iyo hanti farabadan oo sucuudigu ugu deeqay Somaliland oo uu Maxamed Cali keenay lakin markii danbe laga faramaroojiyey ayaa ah sababta eelku ka dhacay gaadiidkaas si faahfaahsan baa looga warami doonaa.

Maxamed Calina wuu soo bixi doonaa.

 

Kornayl Maxamed Cali maanta ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xadhig ah derejadii oo laga qaaday iyo shaqadii ciidanka oo laga fadhiisiyey.

W/Q Bashiir Cumar Geelle xoghayaha Biyaha Xisbiga WADDANI


Loading...
Loading...