Rag garabkaaga ka eeg.

0
Tuesday January 17, 2023 - 10:17:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1002
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Rag garabkaaga ka eeg.

    Qoraalo hore xukuumadda waan la wadaagey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalo hore xukuumadda waan la wadaagey



Shacabka Soomaalilaan iyo Siyaasiyiintiisu ma aha kuwo qabyaalad lagu sheegi karo, waxayse ila tahay in ay soo hor mariyaan danahooda gaarka ah, waa marka laga reebo inyar oo gurdan raac ah. Waxaa iyaguna jira kuwo danahooda siyaasadeed dakharo geysan kara laakiin tudhaalaha dadkooda iyo dantooda siyaasadeed oo ka gaabata waxay dalka u geysan karaan ayaa ku khasabta in ay indhaha dib u soo rogaan.



 

Wixii ka dhacay, welina aan xalka waara laga gaadhin ee gobolka Sool ka jirey, ma wuxuu ahaa wax qabyaalad lala xidhiidhin karo, ma gacmo shisheeye ayaa walaaqayey mise waxay ahayd arin la xidhiidha rag ay xukuumadda isku seegeen qabasho la'aanta doorashada madaxtooyada iyo Dimuqraadiyadan muqlaysan? Way karayeen in ay Burco iyo Hargeysaba dabka gaadhsiiyaan.


 

Qoraalo hore xukuumadda waan la wadaagey in aan ragga hoos loo eegin ee garabkaaga laga dayo, welina ma muuqato in ay wax ku qaadatay, iyadoo is diidsiinaysa halka sartu ka qudhuntay. Waa qolada horseedka inoo ah oo weli ku jira rag iska caabbin, oo aan laga helayn nin qudha oo ka aflaxay Falsafadaha Ilbaxnimada iyo horumarka laga kasbado. Waxay ila tahay in uu yar yahay masuul akhriyey Falsafadihii Ambiyada ama kuwii Abraham Lincoln, Merry Robinson, John F Kennedy, Mother Teresa, Mahatma Gandhi iyo ardaygiisii Martin L King Jr.


 

Niman ka mid ah Golaha Guurtida ee aan xorta ahayn, oo mid waliba garabkiisa ku soo kaawiyadeeyey Cimaamad wax ay ka dhigan tahay aan la garanayn, ayaan ku idhi waxaynu ka qadaynaynaa makhaayadda hebla, midbaa markiiba la soo booday ma tii reer hebel, waxaan idhi ma garanayo cidda leh laakiin calanka Soomaalilaan ayaa ka hor taagan, wuxuu yidhi " aniga ayaa garanaya oo reer Meygaag baa leh, ma jecli reerkaa. waana xaasidiin, nasab ahaanna way hooseeyaan. " Guurtidu waa inayna ka dambayn Guriga Lords-ka Ingriiska oo lakala dirayo.


 

Hadaynu doonayno in Soomaalilaan sii xoogeysato oo qurux badnaato, waa in doorashada madaxtooyada si xilkasnimo ka muuqato loo qabtaa. haddii kale waxay xukuumaddu qabatay iyo waxay qaban doontaa waxay ku dhici doonaan Foosto gun la'.


 

intay weli duurxul tahay, duulduulka ku kooban tahay, intay weli doobir tahay, dib iyo noqoshaan rabnaa, dan iyo nolol baan rabnaa. Daba-huwan & Macalin Hadraawi ( Illaahay ha u naxariisto.)


 

Bashiir Tarabbi Oogle,

London,England.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...