Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan?

0
Tuesday January 17, 2023 - 10:04:57 in News by Abdi Good
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan?

    Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan?

Maxaa sababay xil ka qaadista agaasimihii guud ee wasaarada Maaliyada iyo dabaaldegyada ay ku qaabileen taageerayaasha Muuse Biixi ay isku deegaanka yihiin?

Taageerayaasha Muuse Biixi ee u badan deegaankiisu waxay damaashaad iyo dabaal degyo ku soo dhaweeyeen xil ka qaadistii agaasimaha wasaarada maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan,taas oo dhalisay in su,aalo badan layska waydiiyo sababta ay ugu farxeen.

Ka dib dabagal aan sameeyey waxa lay xaqiijiyey in agaasime Gurxan uu hirgeliyey xeerka midaynta kastamada dalka oo dhigaya in ganacsatada alaabaha la soo degtaa ay isticmaali karaan kastamka ay doonaan balse aanay u xidhnaan Karin kastamka Gabiley iyo kastamka Berbera, taas oo sababtay inay camirmaan kastamada gobolka Hawd ee ku yaala Balli-gubadle iyo Salaxley.

Sidoo kale agaasimihii hore Maxamed Cabdi Gurxan waxa uu amar ku soo rogay mukhalasiinta wax u cashuura ganacsatada isticmaala dekeda Berbera, waxa uu dhaqan galiyey wareegto waajibinaysa in la furo kontiidharada alaabta sida oo haddii loogu tago badeecad aan ahayn midii mukhalasiintu sheegeen ee la cashuurayey ay ganaax mudan doonaan ganacsatada leh iyo cida u shaqaynaysaa, uga soo horjeedsaday ganacsatada ay Muuse Biixi isku deegaanka yihiin iyo mukhalasiinta u shaqeeya kuwaas oo dacwad ka gudbiyey.

Ka dib hirgelinta amaradan, dad iskugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, xubno xukuumada ka tirsan iyo ururo dhalinyaro oo dhamaantood u abaabulan hab beelaysan ayaa Muuse Biixi gaadhsiiyey dacwad ka dhan ah agaasimihii hore Maxamed Cabdi Gurxan kaas oo ay ku eedeeyeen inuu soo xidhayo kastamada Berbera iyo Gabiley isla markaana uu Muuse Biixi ku dirayo dadka taageera.

Ka dib markii laysku gaashaanbuuraystay agaasimihii hore ee wasaarada maaliyada Muuse Biixi waxa uu dhinaca saaray beeshiisa isaga oo go’aansaday inuu tolkii maqlo oo uu xilka ka qaado Maxamed Cabdi Gurxan oo tan iyo bishii Feberuary 2018 soo hayey xilkaasi, waana sababta keentay in taageerayaasha Muuse Biixi daacada u ah ee deegaankiisu ay damaashaad iyo dabaal degyo ku muujiyaan sida ay ugu faraxsan yihiin xil ka qaadista masuulkii ay ka dacweeyeen madaxweynahooda.

May be an image of 1 person


Loading...
Loading...