Dhaliilo Dul Hoganaya Wasiir Ciise Kayd Iyo Wasaaradiisa Arimaha Dibeda

0
Tuesday January 17, 2023 - 10:00:49 in News by Abdi Good
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaliilo Dul Hoganaya Wasiir Ciise Kayd Iyo Wasaaradiisa Arimaha Dibeda

    Dhaliilo Dul Hoganaya Wasiir Ciise Kayd Iyo Wasaaradiisa Arimaha Dibeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaliilo Dul Hoganaya Wasiir Ciise Kayd Iyo Wasaaradiisa Arimaha Dibeda
Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL, waxay u baahan tahay in ay wax ka beddesho qaabkan ay wax u qorto, Dawladdahana ula hadasho.

Inaad Wasaaradda arrimo dibeddeed u hadasho oo jawaabo ka bixiso waxyaabaha khuseeya Qaranimada iyo qaddiyadda Somaliland, waxay u baahan tahay aqoon iyo luuqad dublamaasiyaddeed oo ah ta Dawladdu ku wada xidhiidhaan, wakhtiga ay munaasibka ay tahay In aad u Jawaabto, halka aad jawaabtaada marinayso, cidda aad u jawaabayso in aad garato waa arrin u baahan masuuliyad gaar ah.


qofka Wasaaradda wax u qorayaa maaha inuu noqdo mid garanaya Ingiriis keliya, laakiin waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof garanaya habka Dawladduhu u wada xidhiidha, dublamaasiyadda, xidhiidhka caalamiga ah iyo nidaamka dawladdeed.

Imikan Qoraalkan muxuu ka jawaabayaa, ma wixii dadka aan reer Somaliland ahayn ama ka soo horjeeda Facebook shalay dhex wareejinayaan ee ahaa ‘Port of Berbera’ ama Including Somalia ee Nimaac Hilaac calaamadiyey.

War-saxaafaddeedka Mareykanku wuxuu ka soo baxay Xafiis iyo Hay’ad Mareykan ah waa maxay muhiimad ku jira in Ambassadorka la magac dhabbo oo toos loogu jawaabo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa looga baahan yahay In ay kala hadasho cidda ay khusayso Arrimaha ay jawaabto,tusaale ahaan Mareykanku Somaliland Waddan ahaan uma aqoonsana, laakiin waa in ay kala hadlaan si toos ah iyo si dadbana habka ay u doonayaan in ay u wada xidhiidhaan iyo sida ay Somaliland uga hadlayaan marka wufuudoodu timaado, laakiin xal noqon mayso In marka ay ka hadlaan arrinta Somaliland oo si aan munaasib ahayn uga hadlaan in Twitter yar loogu jawaabo.

Essa Kayd - Wikipedia


Loading...
Loading...