Faallo:-Madaxweyne Biixi oo laba hadal oo Isburinnaaya kaga hadlay doodda Somaliland ee gobollada bariga

0
Tuesday June 18, 2019 - 01:23:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Madaxweyne Biixi oo laba hadal oo Isburinnaaya kaga hadlay doodda Somaliland ee gobollada bariga

    Hargaysa(HWN):-Maalintii Sabtida ee toddobaadkan aynu ku jirno oo taariikhduna ahayd 15-ka bisha June

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Maalintii Sabtida ee toddobaadkan aynu ku jirno oo taariikhduna ahayd 15-ka bisha June

Hargaysa(HWN):-Maalintii Sabtida ee toddobaadkan aynu ku jirno oo taariikhduna ahayd 15-ka bisha June, waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyadda hoose/dhexe iyo sarre.

Marka laga yimaaddo Weedhihii furitaanka Imtixaanka shahaaddiga ah, waxa Madaxweyne Biixi wax laga waydiiyay arrimo door ah, oo ay ka mid ahaayeen Xadhiga Siyaasiyiinta oo beryahan danbe soo badannaayay, tayadda Waxbarashadda dawliga ah oo iyaddana dhaliil badani ka Muuqdaan, Xaaladda barriga gobolka Sanaag, Saamigga Xukuumaddiisa oo dheeli badan lagu tilmaamay gaar ahaana Sadbursiimo weyn uu beeshiisa ka siiyay iyo Qoddobo kale oo aad u xiiso badan. Ha-yeeshee qoddobka aynu qormaddan ku eeggaynaa waxa uu daarran yahay Xaaladda gobolka Sanaag oo Madaxweynuhu tilmaamay inay wax iska caaddiya tahay murankeeddu, isla markaanna Xaajaddeedu u taalo dadka deegaankaas iska leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlaayay Xaaladda magaalada Badhan waxa uu sheegay in laba Wasiir oo middina Somaliland ka soo jeeddo, midna uu Maamulka Puntland ka soo jeeddo ay ku wada sugan yihiin magaalada Badhan, waxaannu ku doodday in labaddaas Wasiir ay is qancinnayaan oo wada dhalasho ka dhaxayso, Wuxuu Madaxweynuhu meesha ka saarray in Somaliland Xuduud iyo Xad dawladdeed ku dooddayso ee aannay dhul iyo deegaanno kale duullaan ku ahayn, isagoo Xudduudihii u dhaxeeyay dawladda Soomaalilaand iyo Soomaaliya ka soo qaadday Callaamaddo Gumaystuhu dhigay oo aan wax micno ah ku fadhiyin, waxaannu yidhi "Gobolka Sanaag aad buu u fiican yahay, waxa la yidhi Hashu maqaarka meel xun bay ka ursatay. Gobolka Sanaag saaka ballaayo kama jirto, Xalay iyo Shalay waxa ku dooddaayay laba Nin oo Ilmaaddeer ah oo middi yahay Wasiir Somaliland ah, midka kalenna yahay Wasiir Puntland ah, doodduna meelkasta way ka jirtaa, waxaannay xaq u leeyihiin inay iyagu (Waa labadda Wasiirre) is qanciyaan oo Somaliland ku qancaan, inay iyagu qarannimada qaaddaan” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Madaxweynaha waxa ka muuqata innuu quus ka joogo bariga gobolka Sanaag, waxaannu meesha ka saaray dooddii Somaliland ee ahayd inay Xudduudkeedda soo xidhanayso, dadkunna aannay qabiillooyin isku raacin, balse Xudduudo isku raacaan oo wax ku wada qabsaddaan, hase-yeeshee waxa uu qiray in Wasiirka Maamulka Puntland iyo Wasiirka Xukuumadda Somaliland ay ka dooddaan danahoodda iyo Masiirkoodda ummaddeed, balse Madaxweynuhu waxa uu iska hilmaamay inay dooddu u dhici kartaba inay Masiirkoodda u arkaan Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.!.

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhawr jeer warbaahintu wax ka weydiisay Khilaafka sababa isku dhaca dagaal ee ka dhex dhaca Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland ayaa kula garnaqsan jiray Puntland Iyo Dawlada Somalia in la ixtiraamo Xudduudkii sharciga ahaa ee Gumaystihii Ingiriiska dhigay ee Ururka Midnimada africana uu Meel mariyey oo ah in Xudduudaha lagu ixtiraamo sidii uu gumaystuhu kaga tagay dalalka Africa markii uu xornimada siiyay.

Bishii November ee Sannadkii tagay ee 2018 ayaa Madaxweyne Biixi waxa uu Safar ku tagay Fadhiisanka hore ee Ciidanka qaranka ee deegaanka Tuko-raq, Waxaanu ka jeediyay Khudbadan oo Maanta muujinaysa inuu isbedel ku yimid aragtidii Madaxweyne Muuse Biixi Waxaanu yidhi

"Waxa war soo saaray dawlad gobaleedka Puntland golaheeda wasiirada oo ay leeyihiin madaxeynaha Somaliland waxa uu Laasacaanood iyo Sool ugu soo socdaa inuu colaad,ciidan iyo cabudhin ka keeno, waxaan leeyahay taasi waa xaasha, dadka reer Sool kuwo la cabudhin karo maaha Ingiriiskiiba iyaga ayaa iska celiyay waa dhashii daraawiishtoo xoog iyo hanjabaad loolama tago walaaltinimo iyo maxaynu yeelnaa ayaa loola tagaa. Waxaannu leenahay Soomaali maanta uma baahna cabudhin, xoog iyo dagaal way ka daashay waliba dawlad gobaleedka Puntland iyo Somaliland dagaal iyo colaad hore kama dhaxayn waana isku xaalad oo labaduba xaalado badan oo abaareed, dhaqaale iyo biyo la’aan ayay haysta,innaga oo colaad iyo ballaayo isku abuurna malaa waxa ka wanaagsan innaga oo iswada kaashana, muranka qudhaata ee naga dhaxeeya maamul gobaleedka Puntland waxa weeye annagu waxaanu aaminsanahay in xadkii Ingiriiska iyo sida Afrika oo dhami ay tahay in Somaliland ay maamusho oo wax ka qabto oo ay nabad iyo barwaqo hesho, qolada Garoowana waxay yidhaahdeen si isir ah aan wax u maamulno, haday waxbu intaas tahay inaan rag isaga layno oo aan agoomo ku abuurno, oo hooyooyin ay ku goblamaan aniga ilama aha intaasi waa in hadal lagu dhamayn karo,in sanad ahna waxaanu la taagnayn walaalayaal nabad aan ku wada doodno.”.

Isku soo wada duuboo hadalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi sabtidii sheegay waxa uu gebi ahaanba Meesha ka saarayaa garnaqsigii Soo jireenka ahaa ee ay ku dhisnayd Siyaasadda Somaliland ee ku qotomay in Somaliland xudduudeedu tahay tii Ingiriisku dhigay, maadaama ay Mustacmarad u ahayd isla markaana aanay wax ku doonayn Isir qabiil maadaama dad u dhashay Somaaliland ay ka Tirsan yihiin dalka Itoobiya Waxaana dhawaqa Madaxweynuhu Muujinayaa heerka Cabirkiisa siyaasadeed gaadhsiisan yahay, iyaddoo laba hadal oo is dabrayaa ay ka soo baxeen afkiisa.


Loading...
Loading...