Dekedda & Kastamka Berbera Oon Shaqayn 3 Maalmood Ee Ugu Dambeeyay Iyo Sababta
Kastamka magaalada Berbera ayaa saddexdi maalmood ee u danbeeyay aan wax laga cashuurin kadib markii ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera ay ka hor yimaadeen Habraacyo ay kusoo rogtay wasaarada horumarinta Maaliyada ee Somaliland, kuwaas oo ay u arkeen in lagu cuna qabataynaayo.
Arinta muranku ka
taagan yahay ee ganacsatadu ka gaws adaygtay ayaa timi kadib markii lagu
wargaliyay in wixii cashuura ee khaladaad ama is daba marin ah ee dhacay ay
qaadayaan masuuliyaddeeda, taas oo markii hore lagala xisaabtami jiray
shaqaalaha Kastamyada.
Mukhalisiinta iyo
Ganacsatad wax ka cashuurta kastamka Berbera oo si qayaxan uga hor yimi
Habraacyada lagu soo rogay ayaa ku doodaya in wasaarada maaliyadu ay ku
khasbayso in ay saxeexaan formka Entryga lacagaha, si ay masuuliyadiisa u
qaadaan dhib kasta oo ka dhalata, taas oo masuuliyadiisa uu leeyahay Kastamku,
lagalana xisaabtami jiray wax kasta oo ka yimaada, balse aanay shaqo ku lahayn
saxeexisa oo wasaarada maaliyadu ay qorshaysay hada in iyaga ay kusoo wareejiso
si khasaaraha ka dhasha looga qaado taas oo aan xaq loogu lahayn sharcigana aan
ku jirin sida ay qabaan oo noo sheegeen qaarkood oo aan la xidhiidhnay.
Waxaanay intaasi kusii
dareen inaanay aqbalay arintaasi formka dawliga ah ee lagu khasbaayo in ay
saxeexaan, balse ay dalbanayaan in wasaaradu ay ka laabato oo ay u dayso
saxeexiisa cidii ka shaqayn jirtay ee lagala xaajoon jiray wixii kasoo noqda.
Wasaarada horumarinta
Maaliyada, ayaa u muuqata inay ka gaabisay in ay ku qanciso Habraacyada kasoo
baxay ee ganacsatada ay doonayso in ay
ku hagto in ay ku qanciso, sidoo kale waxa ay ka dhego adaygaysa cabashooyinka
ay qabaan ganacsatada reer Somaliland, waxaana hada wasaaradu ay maciin biday
in kulamo wada hadal ah ay ka abaabusho magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,
xili xadhkaha uu goostay gadoodka ganacsatadu.
Kkastamka Cashuuraha
Berbera ee xidhan maalmihii u danbeeyay ayaa sidoo kale waxa uu saamayn ku
yeeshay dhaqdhaqaaqa dekedda Wayn ee Berbera oo wakhtigan haawanaysa, taas oo
ay dhex tuulan yihiin alaabti ay kala bixi lahaayeen ganacsatada ku xidhan dek
dekeddaaasi ee wax kala soo dega.
Habraacyadan wasarada
maaliyada kasoo baxay ayaa la dhaqan galiyay bilawga sannadkan cusub 2023 kaas
oo lagu amray shaqaalaha kastamyada dalku in ay fuliyaan dhaqan galkiisa laguna
daba gali doono qaabka ay u meel mariyaan.
Masuuliyiinta
Waasaarada maaliyada iyo kuwa kastamka Berbera ugu wakiilka ah oo aan la
xidhiidhnay si aan arintaasi wax uga waydiino ayaanay noo suuro galin in aanu
helno.
Xigasho: Ahmed-nuur
Samraawi