Faaqidaad Kooban: Buugga Siilaanyo ee uu qoray Cabdiraxmaan Cartan WQ:- Yuusuf Cismaan Garas

0
Tuesday June 18, 2019 - 00:43:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaqidaad Kooban: Buugga Siilaanyo ee uu qoray Cabdiraxmaan Cartan WQ:- Yuusuf Cismaan Garas

    Waxa aan akhriyay buugga la magacbaxay "Axmed Siilaanyo: Nin tacab badan galiyay qarannimada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan akhriyay buugga la magacbaxay "Axmed Siilaanyo: Nin tacab badan galiyay qarannimada"

Waxa aan akhriyay buugga la magacbaxay "Axmed Siilaanyo: Nin tacab badan galiyay qarannimada” ee uu qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Aniga oo qoraaga dedaalkiisa ku hanbalyaynaya, waxa aan jecelahay in aan hoosta ka xarriiqo in aanu qoraalkani ahayn ammaan iyo bogaadin daarran wixii uu hagaajiyay qoruhu. Waa se iftiiminta wixii uu u ilduufay ama ka qalloocday.

Taas macnaheedu ma aha in aan inta xun qodqodayo, waa se in aan tilmaan iyo talaba ku biiriyo daabacadaha tan xiga, maadaama aanu jirin aadame 100% sax ahi. Waa sidii uu Hadraawi u lahaa "galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyn.” Sidaas darteed, qormadan waxa aan si kooban oo guudmar ah ugu soo bandhigayaa wixii aan u arkay in ay qaladaad yihiin ee buuggaas iiga soo baxay.

Ugu horrayn, qaabdhismeedka tusmada buuggu waxa ay u habaysan tahay si liidata oo aan soo jiidasho u lahayn indhaha akhristaha (habqoraalka). Cutubyada buugga waxa ka muuqata isku xidhnaan la’aan ah dhinaca ujeeddada iyo dhanka xidhiidhsanaanta labadaba. Waxa sidoo kale buuggan kaaga muuqanaysa tifaftir la’aan xooggan. Buugga kuma arag cid qoraaga ku wehelisa tifaftirka buugga.

Marka aad buugga guda gasho, ugu horraynba cutubka kowaad waxa uu kuula muuqanayaa sheeko male’awaal ah. Akhriska cutubkan waxa aad moodaysaa in aad akhrinayso buug sheeko faneed ah ama ‘fiction novel’. Tusaale ahaan, xaggee lagu arkay arday dhammeeyay malcaamad qur’aan ama KG1 oo la yidhaahdo waxa uu qardhaasaha kaga wanaagsanaaday Sheekh dhan oo caalim ah ama aqoon diimeed lagu tuhunsan yahay. Ma ilmaha yare e sidaa u sebiga ah?

Dhinaca kale waxa cutubkani xambaarsan yahay farriin ah in culimadii hore ee dadka dabiibi jiray lagu tilmaamo dad lacag iyo adduun dadka ka urursan jiray. Haddii ay xataa jirtay ma aha wax lagu ladhi karo culimadii diinta iyo dabiibkii diiniga ahaa ee ay dadkeennu ku soo noolaayeen.

Guud ahaan buugga waxa ka muuqataa degdeg fara badan iyo ka badbadin/buunbuunin aan loo baahnayn. Marka aad buugga dhuuxdo, waxa aad dareemaysaa in qoruhu Siilaanyo ka dhigayo qof aan taariikh lahayn oo taariikh dhabdhab iyo mala’awaal ah loo samaynayo, taas oo meelkadhac weyn ah. sidaas awgeed, ayaad u arkaysaa in meelo badan oo buugga ka mid ah loo qoray sidii iidheh ama xayaysiis loo samaynayo qof aan jirin ama taariikh jirta lahayn.

Waxa xaqiiqo ah in taariikhda Siilaanyo ay ka mug iyo miisaan badan tahay sidan uu hadda Cartan u qoray. Tusaale ahaan, Danjire Cawil, Maxamed Kaahin, Cali-Guray iyo dad badan oo la mid ah oo Siilaanyo cid uga aqoon iyo saaxiibtinnimo badani yar tahay, kuma

 

jiraan dadka ku jira xigashada buuggan, wax ay Siilaanyo ka yidhaahdeenna ha ba yaraatee laguma xusin. Taas beddalkeeda, waxa waqti iyo qoraal badan lagu bixiyay dad sharaf leh, bal se aqoonta ay Siilaanyo isku leeyihiin ka ba bilaabantay intii Somaliland madaxbannaanida la soo noqotay ama wixii ka danbeeyay aasaaskii Kulmiye.

Booka waxa kale oo aad uga dhex muuqda magacyada qabaiilka qaar ka mid ah oo aanay jirin sabab alla sabab ku kalifaysay qoraaga arintaas.

Kuma aan qancin jawaabta Cartan ka bixiyay xaga xiska ama xusuusta Siilaanyo. Halkaas waxa aan u arkaa in ay qadaf iyo ceeb tahay, haddii kalana ay dacwad ama dembi tahay. Waa isku nooc buuggii uu saaxibkay Xirsi qoray iyo buuggani.

Qoruhu waxa uu buugga u qaatay sawirro aan soo jiidasho badan lahayn ama kuwo Siilaanyo ah oo laga qurxoon yahay. Waxa kale oo badhtamaha buugga kaaga muuqanaya sawirro door ah oo loo malaysan karo qoyska Siilaanyo, bal se aanu qoruhu waxba ka odhanayn cidda ay yihiin ama sababaha uu u doortay midna.

Waxa buuggan ka maqan wax badan oo ka mid ah taariikhdii Siilaanyo ee kacaankii Siyaad Barre, taas oo laga yaabo in ogaanshaheedu maanta waxtar u yeelan lahaa dadka Soomaalida ah oo dhan. Buuggan laguma muujinnin badiba waxqabadkii mudnaa ee Xukuumaddii Siilaanyo hoggaaminayay. Sidoo kale, buuggan kama muuqato odaynimadii Siilaanyo ee xallintii khilaafaadkii adkaa ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Buuggan waxa kale oo aan lagu muujin doorkii muhiimka ahaa ee uu Siilaanyo ku lahaa Golihii Wakiilada wakhtigii uu ka tirsanaa oo runtii uu ka mid ahaa raga ugu firfircoona.

Jedliga iyo xaashiyaha buugga tayadoodu waa kuwo wanaagsan, bal se xabagta iyo qaabka la iskugu dhajiyey xaashiyuhu waa qaar aan muddo dheer sii waari doonin oo u baahan taxaddir dheeraad ah. Waxa se dhaliil yeelan kara muuqaalka jeldiga dambe oo midabkiisu yahay doogo lagu qoray far cadcad.

Isku soo wada duub oo, qofka aan Siilaanyo aqoon u lahayn ee buuggan akhriyaa kama heli karo taariikh nololeedka siyaasadeed ee Siilaanyo oo si farshaxannimo leh u habaysan. Si taas la mid ah, kama kama heli karo jawaab waafi ah weyddiinta aasaasiga ah ee odhanaysa: ‘waa kuma Siilaanyo?.

ALLA MAHAD LEH

WQ:- Yuusuf Cismaan Garas


Loading...
Loading...