Sidan u noqo qof naftiisa ku kalsoon

0
Monday January 16, 2023 - 10:58:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidan u noqo qof naftiisa ku kalsoon

    Meelaha aad ku liidato isku day innaad hagaajiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meelaha aad ku liidato isku day innaad hagaajiso



1. Baro waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay. Qor wax kasta oo aad ku wanaagsan tahay, ka dibna ku dadaal innaad sii xoojiso. Waxaad ku guulaysan doontaa tartan kasta.


2. Iska ilaali isbar-bar dhiga dadka kale. Dadka kale ha bar-bar dhigin kaliya waxyaabaha ay kaaga wanaagsan yihiin, ee sidoo kale ku tartan waxyaabaha aad ku wanaaagsan. Ha iloobin innay jiraan waxyaabo badan, oo laguu daba fadhiisan karo.



3. Meelaha aad ku liidato isku day innaad hagaajiso. Qor waxyaabaha aad ku liidato, ka dibna isku day innaad wax ka baddel ku samayso, oo aad horumariso. Waa muhiim innaad naftaada barataa.


4. Waxbaro. Aqoontu kaliya ma dhisayso maskaxdaada, ee sidoo kale waxay dhisaysaa kalsoonidaada. Aqoonta ku dadaal intii aad awoodo, oo haku koobnaan kaliya buugaagta dugsiga iyo jaamacada. Wax akhriska ku dadaal.


5. Naftaada haka shakin, oo ha yaraysan. Waa hubaal in qof kastaa mararka qaar uu naftiisa ka shakiyo, laakiinse waxa muhiim ah innaanad shakiga u baddelin xaqiiqo kula nool. Isku kalsoonow, oo jeclow naftaada. Mar kasta ku dadaal innaad samayso waxyaabaha kalsoonidaada kordhinaya.


Ugu dambayn,


waxa jira boqolaal shay oo lagugu jeclaan karo. Is-aamin. Waxaan kuu rajaynayaa nolol wanaagsan insha allah.☘️

Mohamed Faisal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...