Aragtiyada Taban Ee Dhibaatada

0
Monday January 16, 2023 - 10:44:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtiyada Taban Ee Dhibaatada

    "Haddaad ii mahadnaqdaan waan idin siyaadinayaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaad ii mahadnaqdaan waan idin siyaadinayaa"


Dadka kooxo ka mida ama badi ahaantiisaba mushkiladaha adduunka iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan waxa ay u arkaan xumaan, nasiib darro iyo waxaan wanaagsaneyn,


 

qalbi jabka,dhibaatada iyo xanuunaduba ma aha sidaad u turjumeyso ee wuu ka duwan yahay. midkiina qalbi jabsan waa mid nasiib u yeeshay inuu dareemo dareen naxariiseed oo damqasho iyo daacadnimo ku ladhan oo loo garan waayey dareenkas, dadka xuni ma helaan se qalbiyada saafiga ah ayaa hela ee ku mahadi Alle, waxa aad nasiib u heshay inaad hesho dareenkaa quruxda bsdan ee mar la aragga ah, mahaddu waxey siyaadisa nimcada aad heysato, nimcaduna waa mida aad ku dareentay kalgacalkaas, Alle na wuxu yidhi:



 

لَئِنْ شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ


"Haddaad ii mahadnaqdaan waan idin siyaadinayaa"


Midkiina dhibaateysan waxa uu helay fursad uu Alle ku noqonaayo garabkiisa, dibindaabyo kasta iyo dayowga adduunku haddey ku helaalan ogow inaad jaanis u haysato uu Rabbigaa kugu maciinayo, waana nasiib dadka ay inyari uun hesho ee ha u samiro dhibka soo foodsaarey madaxiiisa Alle na wuxuu yidhi isago ka hadlaya samirka:


إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ


"Alle waxa uu macooda/garabkooda yahay kuwa sabra"


Midkiina xanuunsana waxa uu helay fursad loogu denbi dhaafo, khaladaadkii iyo gefefkii usoo sameeyey lagaga meydho sida darteed ha aamino inuu ku jiro nimco hana ku mahadiyo, Waxa uu nebigu csw xadiith ku leeyahay:


 

ما من مصيبة تصيب المسلم إلا كفر الله عز وجل عنه حتى الشوكة يشاكها.


"May ahaanin musiibo ama xanuun asiiba qofka muslimka ah ilaa hadey dhacdo waxa uu Alle swt ka dhaafa dunuubtiisii xataa hadey tahay qodax muday"


 

Qalbiyadeennu waxey la qallaleen baahiyaha aynu usoo bandhigeyno makhluuqaadkan daciifka iyo ducufka u saaxiibka ah, kor u taag gacmahaaga adiga oo baryaaya Allaha samaawaatkan iyo dhulalkan abuurey wax kasta oo ku dhex suganna maamulkiisa iyo qaddartooda qorey.


 

Markasta dhagaheenna waxa ku badan cadaabta iyo ciqaabta uu Alle marsiiyo qofka dambi ku dhaca ee u fiirso aayaatka naxariista Alle iyo dhibirsanaantiisa ka hadlaya, jeclow na Rabbigaa in ka badan inta aad ka baqayso.


Khaalid Khaliif

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...