Madaxweynaha Mareykanka Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Gobolka Carlifonia

0
Monday January 16, 2023 - 08:40:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Gobolka Carlifonia

    "Mowjadaha duufaannada ah iyo daadadka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mowjadaha duufaannada ah iyo daadadka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 qof"

 


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaqay in xaalad deg deg ah la geliyay gobolka California.

 

Wuxuu amar ku bixiyay in gargaar la gaarsiiyo gobolka iyadoo duufaan xooggan ay ku dhufatay halkaas.

 

Ku dhawaad ​​shan iyo labaatan milyan oo qof oo ku nool gobolkan ayaa waxaa saameeyay daadad iyadoo duufaanta ay ku wajahan tahay dhinaca koonfurta.

 

Maamulka ayaa sheegay in fatahaado ay saameeyeen gobolka, ilaa sodon kun oo qof ayaa lagu amray in ay ka guuraan guryahooda gaar ahaan dhulka xeebaha ah ee dhaca waqooyiga iyo bartamaha California.

 

Kooxaha samatabbixinta ee San Luis Obispo ayaa ku khasbanaaday inay hakiyaan howlaha raadinta wiil shan jir ah oo daadad ay qaadeen lix maalmood ka hor.

 

Mowjadaha duufaannada ah iyo daadadka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 qof gobolkan dhaca Pacific ilaa dabayaaqadii bishii hore.

 

BBC


Loading...
Loading...