Maxkamad Ciidan Oo Dil Ku Xukuntay Askari Nin Rayida U Dilay Shan Kun Oo Shilin

0
Sunday January 15, 2023 - 17:19:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Ciidan Oo Dil Ku Xukuntay Askari Nin Rayida U Dilay Shan Kun Oo Shilin

    "Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun"



Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada deegaanka Xamar oo talaadadii la soo dhaafay nin rayida ku dilay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Maxkamadda ayaa ku heshay Qaasim inuu si bareer ah u dilay muwaadin la oran jiray Abuubakar Maxamed Nuuraani oo mehrad yar ku haystay suuqa Xamar Weyne.

 

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun oo shilin Soomaali ah oo canshuur ahaan looga rabay.

 

Arintan ayaa dhalisay caro balaaran oo dadka deegaanku ku dalabanayeen in cadaaladda la mariyo askariga sida bareerka ah u dilay Abuubakar Nuurani, waxana ugu dambeyn maanta maxkamadda ciidamadu xukun dil ah ku riday askarigii dilkaasi gaystay talaadadii la soo dhaafay.


Loading...
Loading...