Masuul Ka Hadlay Xil Uu Muuse Biixi Umagcaabay

0
Sunday January 15, 2023 - 11:53:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Hadlay Xil Uu Muuse Biixi Umagcaabay

    "Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo aan ahayn Wasaarad igu cusub"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo aan ahayn Wasaarad igu cusub"


 

Hargaysa (HWN) Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo uu dhawaan Muuse Biixi umagacaabay wakiilka Somaliland ee midawga Yurub ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xilka loomagacaabay.

 

Kaysar ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in uu soo dhawaynayo xilka loomagacaabay.

 

Asalaamu Calaykum

Waxaa Sharaf weyn ii ah in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ii igmaday inaan noqdo Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland ee Midowga Yurub.

 

Midowga Yurub oo aan hore uga soo shaqeeyay Xaruntiisa Brussels ee Dalka Belgium, waxa aan u hawl geli doonaa sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Midowga Yurub.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo aan ahayn Wasaarad igu cusub oo Xilal kala duwan aan ka soo qabtay, sharaf weyn ayay ii tahay inaan shaqadeeda ku soo laabto, anaga oo aan markii horeba kala maqnayn oo si toos ah iyo si dadbanba u wada shaqaynaynay.

 

Waxaan jecelahay inaan halkan uga Mahadnaqo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud fursada ay ii siiyeen inaan mar kale Qarankeena u shaqeeyo taasoo sharaf weyn ah.

 

Ugu danbayn waxaan u mahadnaqayaa dhamaan Muwaadiniinta iyo Saaxiibada Somaliland ee Hambalyada iyo Ducada iiga soo diray dunida dacaladeeda.

Waad Mahadsan tihiin

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK.

[email protected]


Loading...
Loading...