Maxay Yihiin Qodobada Xukuumada Somaliland Ka Soo Saartay Xaalada Laascaanood?

0
Sunday January 15, 2023 - 13:32:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Qodobada Xukuumada Somaliland Ka Soo Saartay Xaalada Laascaanood?

    "Dadwynaha Laascaanood ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadwynaha Laascaanood ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan"

 

 

Laascaanood (HWN) Wasiiradda Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada, ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabashada shacabka.

 

Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasaha.

 

Wasiirada ayaa sheegay in ay taageersanyihiin baaqii kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada, ee magaalooyinka bariga, sida uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

 

Waxaanu yidhi."Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabadgalyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira, xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun" 

 

Dadwynaha Laascaanood ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan, sidookale, dadkii qaxay ayay ka codsadeen in ay kusoo laabtaan magaaladooda, jaamacadaha, dugsiyada iyo malcaamadaha Qur'aanka ayay sidookale, amreen in dib loo furo.

 

Waxay sheegeen in xukuumada Somaliland ay ka go'antahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan.


Loading...
Loading...