"Suurtagal Ma Tahay In Berbera Ay Yimaadaan Ciidamo Ka Socda Somaliya" Xisbiga Waddani

0
Sunday January 15, 2023 - 13:24:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Suurtagal Ma Tahay In Berbera Ay Yimaadaan Ciidamo Ka Socda Somaliya" Xisbiga Waddani

    "Maamulka hadda joogaa mar hore ayuu soo galay balan ah inuu Madaxwayne Farmaajo Somaliland keeno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maamulka hadda joogaa mar hore ayuu soo galay balan ah inuu Madaxwayne Farmaajo Somaliland keeno"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga WADDANIXamse Khayre ayaa ka digay in ciidamada Somaliya ay yimaadaan dhulka Somaliland.

 

Xoghayaha oo ka hadlay dhoolatus la sheegay in Maraykanku ka samaynayo meelo ay ka mid tahay xeebaha Somaliland ayaa ku tilmaamay haddii ciidanka Somaliya yimaadaan Somaliland in talaabadaasi ay noqon doonto Khiyaamo qaran, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

Afeef hore: Suurtagal ma tahay in Berbera ama Badda JSL ay yimaadaan ciiidamo ka socda Somaliya oo ay dhoolatus milateri  ku sameeyaan?



Haddii dhoolatuska la sheegayo ee Maraykanku uu sababayo in Ciidamo Soomaaliya ka socdaa ay Berbera ama Xeebaha Somalilamd yimaadaan, taasi waxay noqon doontaa khiyaamo qaran iyo dhacdo bar madow ku noqotada qaranimada SL. Magaca ay doonaan iyo hawsha ay doonaan ha sitaan wax la aqbali doono maaha in ciidamada dalkaasi soo galaan xuduudaheena.

 

Maamulka hadda joogaa mar hore ayuu soo galay balan ah inuu Madaxwayne Farmaajo Somaliland keeno taas oo Golaha Guurtida iyo dadwaynuhu ay gaashaanka u daruureen. Mar kale inuu ciidamo Xooga Dalka Somaliya (XDS) keeno Berbera ama badda Somaliland waa ka suurtowdaa balse ma aanu aqbali doono waxaanay ku mutaysan doonaan talaabo sharci oo adag. Waxaanu la soconaa kulanka qarsoodia ah ee ka dhacay dal deriskeena ah oo arinkaa khusseya, dalkaas oo ka shaqaynaya arinkan isaga ah.

 

Sida aanay suurtagal u ahayn in Maraykanu badda iyo dekadaha Taiwan aanu ugu qaban karin  dhoolatus milatari oo ay Shiinaha , Maraykanka & Taywan ay ka mid yihiin ayay tahay in aanu Somaliland iyo xuduudaheedana u keenin Soomaaliya iyo ciidamadeeda. Ha la kala xishoodo.

Allaa Mahad leh

W/Q Xamse Khayre

Loading...
Loading...