Sidan u rumee riyadaada..
1. Alle Talo saaro. Innaad illaahay talo saarato, ma jirto wax ka qiimo badan. Ducayso, oo illaahay weydiiso innuu kuu rumeeyo riyadaada.
2. Ha joojin dadaalka, ilaa aad ka dhabaynayso riyadaada. Xiiso u yeel riyadaada, oo adigu iska ilaali in riyadaada lagu nacsiiyo. Dadka jeclaysii, oo uu sheeg innay midani tahay riyadaada ee aannay ahayn riyadooda.
3. Mar kasta ku talo gal innaad geliso awood 100% ah, waayo waxay soo dedejinaysaa gaadhitaanka riyadaada.
4. Mudnaanta sii meeshaad u socoto. Wakhtiga ha iskaga lumin dhabqiyayaasha riyada. Dadaalkaaga sii wad, waxa la gaadhi doonaa maalintaada.
5. Ha u arkin riyadaadu innay been tahay, waayo riyo kastaa xili ayay ahayd fikir maskax ku jira. U samir, oo hakala bakhaylin wax kasta iyo dadaal kasta oo ay kaa dalabto.
Ugu dambayn,
waad gaadhi doontaa riyadaada insha allah.
Abdifatah Saneeg
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!