Qisadii Thomas Edison

0
Sunday January 15, 2023 - 11:25:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii Thomas Edison

    Thomas hoyadii waxay u akhrisay warqadii iya doo cod

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thomas hoyadii waxay u akhrisay warqadii iya doo cod



Thomas Edison wuxu dhashay sanadii 1847 wuxuuna dhintay 1931 wuxuu ka soo jeeday dalka America , Thomas Edison wuxuu ahaa ganacsade iyo hal abuure ,waxa la sheega hal abuuradii egu waa waynaa ee maraykanka soo mara .


Thomas Edison wuxuu hal abuuray wax yaabo badan oo kamida(matoorada korontada dhaliya ,wax yaabaha warbahintu adeeg sadaan ,makarafoonka ,iyo muqalada dhaqdhaqaaqa iyo waxa ugu muhiibsan oo ah laydhka dunida dhan ifiya .waa ninka dhibka badan usoo maray ee maskaxdiisa ka shaqaysiiyay .



Thomas Edison isagoo aad uyar malin maalmaha kamida guriga ku soo laabtay isagoo ka yimi school ka isagoo bashqad gacanta ku sita markii uu guriga soo galaayay ayay hoyadiis aragtay warqada wuxuuna usheegay inuu macalinkiisu usoo dhiibay ,markii ay furtay warqadii ayay aad u ilmaysay maraasu Thomas ku idhi maxaa hooyo u oynaysa oo warqada ku qoran ,


Thomas hoyadii waxay u akhrisay warqadii iya doo cod dheer ugu akhrinaysa_ wiilkaaga waa wiil aad u caqli badan oo maskax furan school ka waa uu ka yaryahay oo lama qabsankaro manahayno macalimiin wax barta sidaas darteed wiilkaaga school ka waanu ka soo caydhinay ee adigu wax bar guriga ha kuu joogo.


mudo ka dib Thomas Edison hoyadii waa ay dhimatay waxa uu maalin maalmihiisa ka mida uu dib u eegay wax yaabihii u reerkiisa ka dhaxlay waxa uu arkay warqad meel ku Jirta gacanta ayaanuu galiyay .


warqadii ayaa uu furay waxaanu bilaabay inuu akhriyo iyadoo u qornayd sidaan wiilkaaga waa wiil maskaxda kaxanuunsan Uma ogolaankarno inuu yimaado dugsiga mardanbe halkani maaha meel dadka dhimirka la lagu daweeyo waxaan Kaa cod sanaynaa inaad adigu wax bartid oo anad mardanbe usoo during schoolka.


warqadaas uu Thomas Edison akhrinaayay waa tii hooyadiisa u dhiibay markii uu yaraa .qisada waxa aanu ka faidaynaa wax yaabo badan _ faido wacan intu maanku gaajaysan yahay guuli waa wali.


_Qoraalkii Najma .M.M

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...