Chung ju-yung qisada ninka aasaasay shirkada Hyundai.

0
Sunday January 15, 2023 - 11:13:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chung ju-yung qisada ninka aasaasay shirkada Hyundai.

    Markaa, waxa horyiilay laba doorasho:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaa, waxa horyiilay laba doorasho:-



Sannadkii 1933-kii, Chung wuxuu ka baxsaday gurigoodii Waqooyiga Kuuriya.Ugu dambayntii waxa uu dhisay ganacsi dhan $30 bilyan oo lagu magacaabo Hyundai. Laakiin wuxuu ku bilaabmay sac la soo xaday. Chung ju-yung waxa uu ku dhashay tuulo ku taal Kuuriyada Waqooyi sanadkii 1915kii. Waalidkii waxay ahaayeen beeralay sabool ah.



Halka aabbihii uu ka beero bariis hooyadiina ay u maamusho guriga oo ay lacag dheeraad ka samayso iyana korinta Gooryaanka xariirta ah ee beeraha lagu sarco (silkworm).


Chung wuxuu ku koray sabool laakiin wuxuu maareeyaa inuu ka qalin jabiyo fasalka 5aad.

Waxaa laga yaabaa inaad ku fekereyso, haa taasi ma adka. Laakiin tani waxay u ahayd magaaladiisa guul cajiib ah! Dhammaan Chung wuxuu doonayay waxay ahayd inuu noqdo waa macalin. Laakin dhibka jira ayaa ah qoyskiisa oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashka dugsiga.


Markaa, waxa horyiilay laba doorasho:-

- Inuu noqdo beeraley cimrigiisa oo dhan

- Inuu iskaga cararo guriga.


Chung wuxuu isku dayay oo go’aansday inuu ka tago guriga 4 jeer oo kala duwan. Markii uu ahaa 16 jir, wuxuu baxsaday oo maqnaa 2 bilood si uu u qabto shaqo dhisme kuuli. Aabihii ayaa soo helay soona celiyay .


Hadana markuu ahaa 18 jir , waxa uu u baxsaday Kuuriyada Koonfureed (qayb ka mid ah Japan waagaas) laakiin aabbihii ayaa helay isaga oo ku dhuumanaya guriga awoowgii.


Markii 3 aad ayuu hadana go’aanaday inuuxado oo uu iibiyo lo'da qoyska ku iibiyo lacag u dhiganta 50$ maanta. Wakhtigaa qofka $50 haystaa ee ku nool kuuriyadu qof ladan ayuu ahaa! Tareen ayuu raacay , wuuna ka fakaday xayndaabkii uu ku jiray oo wuxuu is qoray dugsi xisaabta lagu barto.


Isagoon wax badan ka soo maqnayn gurigoodii. Ayuu Aabihii soo helay oo ku soo celiyay Chung mar kale gurigii.


Mar afaraadkii Chung wuxuu u baxsaday si dhaba oon soo noqod lahayn.Sannadkii 1934-kii, ayuu u baxsaday Kuuriyada Koonfureed waxa uuna ku shaqo bilaabay baaskiil kaxeeye dhigdhiga bariiska dukaamada .


Si fiican ayuu ula qabsaday boss kiisii markuu la dhacay ayuu ka dhiga madaxa dukaankiisa .Kumuu raagin ugamana dhignayn raandhiis! Dukaankii bariiska ee uu hayay ayaa barwaaqoobey ilaa 1939-kii markii rarka Jabaanku xidhmay dukaankiisiina wuu ka kacay.


Isagoo ka cadhaysan luminta dukaankiisii bariiska Chung wuxuu furtay dukaan baabuurta lagu hagaajiyo. Halkan baa ahayd meeshii ugu fiicnayd noloshiisa, balse Waxba kama uusan aqoon baabuurta.


Laakiin 3 sano gudahood, Chung wuxuu shaqaalaysiiyay 20 ilaa 70 shaqaale. Sannadkii 1943-kii, Chung ayaa dawladu ka xidhay dukaankisii .


Markaana waxa uu wax keyd ah haystay $50k oo uu u qorsheeyey dhaqdhaqaaqiisa xiga. 4 sano ka dib, ugu dambeyntii wuxuu sameeyay Hyundai Civil Industries.


Hyundai waxay ka bilaabantay shirkad dhisme oo kasbata qandaraasyada waaweyn ee dawladu leedahay si ay u dhisaan buundooyinka iyo barxadaha maraakiibta dekedaha.


Laakiin aakhirkii isu bedeshay shirkad ganacsi oo ka qeyb ah Dhisidda biyo xidheenada, waddooyinka waaweyn iyo xitaa tamarta nukliyeerka.


8 sano ka dib Hyundai waxay u dhoofisay baabuurkeedii ugu horreeyay adduunka: (Hyundai Pony) .Pony-ka Hyundai wuxuu noqday shay lagu amaano qaranka Kuuriyada Koonfureed.


Sannadkii 1985-kii, Hyundai waxay soo saartay baabuurkoodii milyan-aad. Chung ju-yung waxa uu dhintay 2001, laakiin Hyundai waxay u nooshay sida boqortooyo baabuur ku xaraysan yihiin oo oo kale gaadhayana cadad dhan $35 bilyan. Waxaan ka baran doonaa adkaysigii Chung afartan cashar nololeed:-


 

•Inuu ahaa mid faqiira taasina u saamixi wayday inuu wato waxbarashadiisii.

•Inuu isku dayo badan sameeyay oo ku guuldareystay si uu uga baxsado guriga 4 jeer.

•In dawladu xidhay dukaankiisii ​​bariiska

•Mar kale hadana in dawladuxidhay dukaankiisii dayactirka baabuurta.

Noqo sida Chung oo kale:-Qof aan la joojin karin raadinta riyadiisa.


 

WQ /Abdinasir Mohamed Ismail

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...