Shiinaha Oo Qirtay In Dad Badan Udhinteen Covid Bishan

0
Sunday January 15, 2023 - 09:11:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha Oo Qirtay In Dad Badan Udhinteen Covid Bishan

    "Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay"

 

 


Shiinaha ayaa qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed, ka dib go'aankii degdegga ahaa ee dawladdu ay ku joojisay xeerarkii adkaa ee xakamaynayey ee masiibadaas.

 

Waa markii ugu horreysay oo Beijing ay qirato baaxadda dhimashada ee uu sababay mowjadda Covid ee dalka ku dhufatay.

 

Muddo toddobaadyo ah, mas'uuliyiintu waxay soo tebinayeen tiro yar oo dhimasho ah maalin kasta, kuwaas oo u muuqday kuwo aan waafaqsanayn safafka dhaadheer ee loogu jiray meelaha meydka la dhigo.

 

Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay shantii toddobaad ee ka horreyeeyey Khamiistii la soo dhaafay. Inta badan dadka dhintay waxay kor u dhaafayeen da’aadda sideetanka.

 

Waxaa Qortay BBC Somali


Loading...
Loading...