Ruushka Oo Gantaalo Roobka Kaga Dhigay Ukraine

0
Sunday January 15, 2023 - 09:02:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Gantaalo Roobka Kaga Dhigay Ukraine

    "Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,"



Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray gabi ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof.

 

Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa.

 

Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey mugdi kaddib marki ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah.

 

Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso.

Raysal wasaaraha UK Rishi Sunak wuxuu sheegay Tangiyada Challenger ee ay UK sameyso iney Ukraine ka caawinayaan ‘iney ciidamada Ruushka dib u riixdo.’

 

Ruushka wuxuu sheegay hub dheeri ah oo Ukraine la siiyo iney ka dhalaneyso howlgal ballaadhan oo ay ciidamada Ruushka qaadaan iyo waxyeello tiro badan oo dadka rayadka soo gaarto.

 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay weerarrada Ruushka iyo waxyeella soo gaarto dadka rayadka ah in lagu joojin karo oo keli ah haddii ay Ukraine waddamada reer galbeedka ay ka hesho hubka lagama maarmaanka ah ee ay u baahan tahay.

 

Farriin muuqaal ah uu Zelenesky xalay soo dirayna wuxuu ku sheegay gantaalaha ay Moscow soo ridday 30 ka mid ah in la soo riday.

 

"Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,” ayuu yiri Zelenesky.

 

Kooxaha samatabixinta ayaa ka shaqeeynaya baadigoobka dadka ku hoos jira burburka dhismaha burburay ee ay madaafiicda Ruushka ku habsadeen oo ku yaalla Dnipro.

 

Weerarka dhisma ku yaalla Dnipro oo gantaalaha Ruushka ay ku habsadeen waxay Ukraine ku tilmaantay mid bahalnimo ah ayna ku dhaawacmeen 73 qof oo ay 14 carruur ah ku jiraan.

Iyada oo weerarkan ay mas’uuliyiinta Ukraine ku tilmaameen kii ugu xumaa oo muddo bil ah dalkaasi ka dhaca.

 

Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan gurmadka ka socda goobta weerarka uu ka dhacay, halka ay dadka qaarna ay ku biireen howlaha samatabixinta ee lagu baadi goobayo dad weerarkaasi ka badbaaday oo burburka dhisamaha ku hoos jira.

 

Ilaa iyo haddana shaqaalaha gurmadka waxay soo badbaadiyeen 37 qof oo ay 6 carruur ah ku jiraan.

 

Laba toddobaad ayaa laga joogaa markii mowjadihii ugu dambeeyay ee weerarrada Ruushka uu ku qaaday korontada Ukraine.

 

Zelenesky waxaa uu sheegay in xaruumaha kaabayaasha tamarta ay garaaceen sabtidii xaaladda koronta la’aan ee ugu adagna ay ka jiro  gobolada Kharkiv iyo Kyiv.

 

Saraakiil dowladda Ukraine ka tirsan oo ku sugan galbeedka dalka Ukraine waxay sheegeen weerarrada uu Ruushka ku beegsanayo xaruumaha tamarta Ukraine iney marnaba niyad jabineyn ciidamada Ukraine oo ay sii wadayaan dagaalka ay Ruushka kaga xoreynayaan guud ahaan dalka Ukraine.

 

Weerarka gantaalaha ee ay ciidamada Ruushka ku qaadeen Ukraine ayaa u muuqato xeelad dagaal oo cusub oo ay la soo baxeen.

 

Weerarka uu Ruuhka uu Sabtidi shalay ahayd uu ku qaaday dalka Ukraine ayaa ku soo beegmaya maalin un kaddib marki uu Ruushka sheegtay inuu gabi ahaanba gacanta ku dhigay magaalada Soledar ee dalka Ukraine.

 

BBC


Loading...
Loading...