Somaliland:-Fadeexado Ka Taagan Arday Si Qarsoodi Ah Loo Siiyey Deeq Waxbarasho Iyo Qaar Kale Oo Ku Dayacan Addis Ababa

0
Saturday January 14, 2023 - 21:24:19 in News by Abdi Good
  • Visits: 1963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Fadeexado Ka Taagan Arday Si Qarsoodi Ah Loo Siiyey Deeq Waxbarasho Iyo Qaar Kale Oo Ku Dayacan Addis Ababa

    Somaliland:-Fadeexado Ka Taagan Arday Si Qarsoodi Ah Loo Siiyey Deeq Waxbarasho Iyo Qaar Kale Oo Ku Dayacan Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Fadeexado Ka Taagan Arday Si Qarsoodi Ah Loo Siiyey Deeq Waxbarasho Iyo Qaar Kale Oo Ku Dayacan Addis Ababa


arday ay somaliland u dirtay Itoobiya oo la sheegay inay ku guulaysteen deeqwaxbarasho oo laga helay dalkaasi ayaa mudo bil ku dhaw ku xaniban magaalada Addis Ababa.

ardaydani waxay la kulmeen hungow iyo hagardaamo nafsadeed, khasaare qarasheed iyo iyaga oo aan ilaa hadda haynin wax rejo cad ah oo ay ku nastaan, isla markaana wax ay ku dhex dhinteen safaaradda iyo komishankii tacliinta sare oo midba mid ku tuurayo! Halkii ay ahayd in waxbarashada loogu beddelo jaamcaddaha wakhtigan furan na, waxa booskoodii si toos ah loogu beddelay 15 arday oo si dadban loo qortay, oo iyagu dhigta jaamacaddihii furnaa. Kuwaas oo ardaydu liiskoodii heleen. Sidaas darteed, ardaydaasi wax ay u baahan yihiin hiil iyo in cid u jidbixisa! Waana waajib in masuuliyad la iska saaro ubaxaas la maguufiyay.


dhinaca kale waxa la helay magacyada 15 arday oo ay safaarada somaliland ee Addis Ababa u gudbisay dawlada Itoobiya kuwaas oo la sheegay inay ka faa,iidaysanayaan deeq waxbarasho oo cusub.

Deeqda Waxbarasho (scholarship) 15 qof ah ee Safaaradda Somaliland Dalka Itoobiya gudbisay sidee loo qoray? halkee laga qoray? habkee loo maray? miyaa loo tartamay mise waa la qaybsaday ? Deeqaha Waxbarasho yaa ka masuula ah? Ha’yaddee xaq u le in Ardayda ay tartansiiso ? Shuruuddi Deeqda Waxbrashada lagu xidhay Ardayda derajadooda GPA-ga ka sarreeyo 3 yaa bedelay? Su’aalaha ummadda hawga jawaabo Masuulka Waxbarashada u qaabilsan Safarradda Somaliland ee Itoobiya (edication atteche).

No photo description available.

Loading...
Loading...