Kenya: "Ma Qorsheyneyno Inaan Hargeysa Safaarad Ka Furanno"
Wasiirka arrimaha
dibadda iyo qurbajoogta Kenya Dr Alfred
Mutua ayaa sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto
Somaliland.
"Waxaan rabaa inaan
caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa,
sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu
yiri Dr Alfred Mutua.
Wuxuuna intaa raaciyey
Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana
ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinnimo ee labada dal.
Hadalka Mutua ka soo
yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad
rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.
Amar madaxweyne oo 9-ka
bishan January ka soo baxay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu sheegay
in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso lix waddan, taasi oo qeyb ka
ah iskuday lagu ballaarinayo xiriirka howlgallada diblumaasiyadeed ee ay Kenya
la leedahay caalamka intiisa kale.
Amarkan, oo uu tirgiisu
yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa lagu sheegay safaarado ama qunsuliyado
inuu dalka Kenya ka furanayo magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma,
Jakarta iyo Hargeysa.
Safaaradaha Jabuuti,
Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay
sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.
Lixda safaaradood ama
qunsuliyadood ee cusub oo ay Kenya waddamadaasi ka furaneyso ayaa 66
gaarsiinaya tirada waddamada ay Kenya safaaradaha ku leedahay.
Xiriika
diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa intii uu xilka
hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi farmaajo.
Kenya oo khilaaf uu
kala dhaxeeyey maamulkii madaxweyne Farmaajo, ayaa 7-dii September 2021-kii
waxay Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland u
magacaawday xafiis xiriiriya labada dhinac.
Inkasta oo xiriirka
Somaaliya iyo Kenya uu soo hagaagay tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud loo doortay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya
ayaan weli ka hadlin arrintan ay dowladda Kenya ka dhawaajisay, wasiirka
arrimaha dibadda Kenyana si kale uu u dhigay ee ah iney safaarad ama qunsuliyad
ka furaneyso Hargeysa.
Dowladaha Kenya iyo
Soomaaliya ayaa marar badan isku khilaafay xiriirka ay dowladda Kenya la
yeelaneyso Somaliland iyada oo aan dowladda Federaalka u soo marin.
Waxaana xusid mudan
bishii June 2022-kii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirrada uu
fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay calanka
Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday,
waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka
ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Somaliland ayaa wakiil
ku leh Nairobi, Kenyana marar badan waxay sheegtay iney Somaliland tahay gobol
ka tirsan Soomaaliya. Balse sanadihii u dambeeyey ayay Nairobi sare u qaadday
xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.
BBC