WAR DEGDEG AH: Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xil Kaqaadis Sameeyay
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin
Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo
JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo
magacaabid ku sameeyey qaar ka mida
masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd
Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Maxamed Cabdi
Gurxan,
Agaasimihii Guud ee
Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Og: Wasiirka Wasaaradda
Horumarinta Maaliyadda.
Mudane
Sida aad la socoto,
xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan
go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha
guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa
muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Beddel iyo
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka
90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:
Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In
ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Agaasimihii Guud
ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'adinka), laga bilaabo
taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Horumarinta Maaliyadda.
2. In Kaysar
Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka
Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland.