Somaliland Oo Lagu Khasbay Inay Siidayso Mustafe Martin

0
Saturday January 14, 2023 - 11:35:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Lagu Khasbay Inay Siidayso Mustafe Martin

    "Xukuumada Muuse ayaa intabadan xabsiyada ku haysa dadka aan haysan baasaaboorada wadamada awooda leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumada Muuse ayaa intabadan xabsiyada ku haysa dadka aan haysan baasaaboorada wadamada awooda leh"

 

 


 


Hargaysa (HWN) Mustafe Martin oo ah muwaadin udhashay Somaliland haystana Baasaaboorka Maraykanka oo xukuumada Somaliland dhawaan ku xidhay magaalada Hargaysa ayaa maanta dib uheley xoriyadiisii.

 

Xukuumada Somaliland ayaana sheegin dambiga uu galay ee ay ku xidhay Mustafe Martin oo qabiil ahaana ka soo jeeda Beesha Garxajis.

 

Waxaana xidhiga Mustafe Martin ka hadlay Masuuliyiin badan oo ay kamid tahay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Sanetka Maraykanka, taasi oo usoo jeedisay xukuumada Muuse inay siidayso Mustafe Martin.

 

Sidoo kale waxaa cadaadis saartay xukuumada Muuse sidii ay usiidayn lahayd Mustafe Martin Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka.

 

Xogaha ay helayso Shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Safaarada Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ay xukuumada Muuse ku amartay in Mustafe Martin sida ugu dhakhsaha badan ay usiidayso bilaa shuruud, taasi oo xukuumada Muusa-na aqbashay.

 

Siidaynta Mustafe Martin ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xili uu Somaliland  ku suganyahay Wafdi ka socda dalka Maraykanka oo uu haysto Baasaaboorkooga.

 

Xukuumada Muuse Biixi oo xadhiga muwaadiniinta ku caan ah ayaa intabadan xabsiyada ku haysa dadka aan haysan baasaaboorada wadamada awooda leh, halka dadka baasaaboorada wadamada waawayn haysta ay maalmo gudahood ku siidayso.



 

Loading...
Loading...