Wuxu waa Duniyoo Nin walba tiisaa cusleesay Halkee lays la marayaa Dunida siyaasad ahaan iyo Tartan ahaan ba

0
Saturday January 14, 2023 - 10:53:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wuxu waa Duniyoo Nin walba tiisaa cusleesay Halkee lays la marayaa Dunida siyaasad ahaan iyo Tartan ahaan ba

    Shaqadii oo hoos u dhacday dhawanahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqadii oo hoos u dhacday dhawanahaan.


Hadaan siyaasad wayn iyo tartan wayn ka hadlayno dunida waxa u dhaxeya wakhtigan hadda aan joogno reer galbeed iyo reer bari oo ay kala hogaaminayaan USA o ay xulafo wada yihiin Reer Europe Iyo China o uu la socdo Russia.

Waxay tahay o aan la dafiri Karin in dawladaha muslimiinta iyo kuwa Africa baa aanay tartan iyo soo jidasho aanay ku jirin o xaal kooda waan ognahay waxba ku dheeran mayno waxanan rajenayna is badal deg deg ah o ay dhalin yarada iyo aqoon yahan kuba la yimadaan insha allah.


Hadaan xooga saarno labada tartame ee dunida hadda isku haya, waa Maraykanka iyo Shiinaha waxa ay leeyihiin mid ka mid ah cilaaqaadka laba geesoodka ah ee ugu sarreeya Dunida sido kale waa labada dal ee aadka u wayn u ka tartamaya dhaqalaha , ganacsiga iyo hal abuurka dunida oo lagu daray hanaanka maamul ee dunida yaa hogaamin doona dhawaan wakhtiyada soo socda.

Hadba cidi dhaqalaha dunida iyo ganacsigaba hogaamisa ayaa awood u yeelan doonta in ay dunida hogaamiso taas oo lagu daray hanashada iyo samaysashada xidhidho dawladeed oo aad u adag.
waxa ugu wayn ee ay isku hayaan labada dal waa Qodobadan hoose:

1.Dhaqalaha Dunida
2.Ganacsiga dunida
3.Awoodda maamul e dunida
4.Technology da.
5.Xidhiidh ka dalalka aduun ka.
6.Hal abuurka iyo Aqoonta
7.Khayraad ka iyo ku horimar kiisa.

Intaas markaan ka nimaadno waxa jira loolan adag o hadda dib u bilaab may oo u dhaxeya Russia iyo usa kaas o ku dhisan tartan hore o loogu guulaystay Russia wakhtigi dagaal ka qabooba waxa saldhig u ah lolaan kaas ciidamada , Quwada xoog ahaaneed iyo hubka qaybihiisa kala duwan taas oo loo marayo siyaasad sandulayn ah o ku dhisan car iyo wir iyo in dunida samayn ahaan lagu yeesho taas o ay hadda natiijadu ka muuqato dagaalka ka socda ukriene oo ah dalka baaxad ahaan ugu baladhan Qaarada europe.

Haddan ka Gudubno Dhinaca Asia waxa jira tartamayaal iskood isu wada oo aad u xogaan oo mid walba leyahay qorshayaal u dagsan oo aad iyo aad u wayn dalalkaas waxa ka mida India , Japan , turkey , dawladaha khaliijka oo iyana is hor bidaya murayada siyaasada sida masar , emaratka carabta, Qatar iyo sucuudiga waxa kale o jirta dawlada iran, dawladahaas asia waxa ay laba labayaan dhaqalohooda iyo baaxada saamayntooda iyaga oo Africa kuso galaya qorshayaal ganacsi oo aad u dheer kuwa waxa ay ka fakarayaan in ay awood xoogan oo caalimi noqdaan halka kuwa kalana ay ka fakarayaan In ay noqdaan awood gobol oo wax wayn jarta isla markaana arimaha gobolka wax laga waydiiyo oo lala fadhisto.


Qaarada Africa iyada waxa hormuud u ah dawladaha masar , Kenya , Rwanda , Uganda , south Africa , maroco , Nigeria , Ethiopia , sudan iyo dawlada kale , dalalkan Africa is hor bida waxa ay saamayn mid walba ku ledahay dhinac gooniya kuwa dhaqaalo ku hormara , awood ciidan is bada ama geo location wacan ku yaal amaba leh aqoon iyo diplomaciyad xoogan oo caalamka galaan gal xoogan ku leh.


Sidan wada ognahay dawladaha Africa mawada horumarsana dhinaca techlogiyada iyo farsamada noloshaba, malana laha dhaqaale buuran oo dunida wayn wax ka jari kara sido kale ma ka tartami karaan fagarayasha dunida e waxa wayn lagu goosan karo waxa aadna ugu yar dadka Africa aqoonta guud ahaan.


Qaarada waxa dilaya oo hoos u dhigaya horumarkeeda iyo horu socodkedaba waa qodobadan hoose o cid walba ka dharag santahay:

1.Musuq maasuq
2.Maamul xumo
3.Ku takri fal awoodeed
4.Eexasho iyo qaraabo kiil
5.Cadaalad daro
6.Aqoonta oo aad ugu liidata
7.Dadkeeda o aan baraarug sanayn

8.Khayraadkeeda oo aan laga faaā€¯idaysan isla markaana ay dunida kale iska gurato Democratic congo ayaana tusaale inoogu filan haddi ay khayraadkeeda si wacan u meelayn lahayd waxa ay noqon lahayd dadka aduunka iyo dawlada aduunka ugu hodonsan dhinaca dhaqalaha.
9.Iyo arimo kale o badan o aan kawada dharagsanahay o aynaan soo koobi karayn.

Qaaradaha kale sida south America iyo Australia iyaga way is dhamaan south America waaba afirca caadiya halka Australia ay haysato horumar baaxad leh oo aad u baladhan taas o ay dadkoodu aqoon leyihiin iyo waxda qabsi isla markaana ay soo jeedaan.


North America iyada usa ayaa hormuud ah Canada ayaa soo raacda inta kalana way ku daba faylaan waloow u dhaqalahoodu ciddhidhi yahay isla markaana aysan jirin xadi nololeed oo aad u baaxad wayn.

Europe iyada waan kawada dharag sanahay in ay gaadhay figta horumarka e dunida isla markaana ay hoobad ay ku jirto oo aanay hadda sidii hore ahayn taas o hadda lagula jiro tartan xoogan o laba jibran sido kale wax soo food saaray caqaabadahan hoose:


1.Dhaqaale yaraan dalal badan
2.Shaqadii oo hoos u dhacday dhawanahaan.
3.Musuq maasuq soo if baxay
4.Iyo in America isku halesay ka dibna ay wax walba isaga u daba fadhisanayso.
5.Hal abuurnimada bulshada o aan ilaa xad ahayn hadda sidi hore bulshoyinka reer Europe hadda maaha sidi hore oo waa dad jidhka kobciya halka ilamaha reer bari sida dhalinta chine ha ay aad isu dhisaaan haday noqoto dhinaca aqoonta jamacadaha iyo in ay wax hal abuuran o ay wax soo kordhiyaan.


Waxa iyana lagu loolamayaa Qaarada Antarctica o ah Qaarad aanay cidi daganayn balse dawlado badan waa hore ugu tashadeen sida USA , Russia iyo dawlado Europe ka tirsan kuwaas oo saldhigyo ku leh isla markaana sheegta lahaan shiyaheeda iyo isla markaana ku tartamaya o ku baratamaya khayraad keeda dabiici ga ah e rabaaniga ah.

Guntii iyo Gaba gabadii dunidi halkasay maraysaa ma jirto wax inoo diyaarsan oo qorshe ah iyo arimo waawayn oo cad cad iska ba daaye nolosheeni ayaa qarka saaran o daba qabasho hor leh u baahan waxaan u bahan nahay Qorshe qaabayn ficil iyo nolol aayo tiin leh taas o ay ku raxaystaan shacab keenu isla markaana aan dunida kaga tartan o dawladahaas dunida horumaray la Jaan Qaadno.


ILAAHAY AYAA MAHAD LEH.

W/Q: Mohamed Aden Hassan

Contact.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...