Faransiiska Iyo Jarmalka Oo Ku Baaqay In Afrika 'Kuraas Joogto Ah Laga Siiyo Golaha Ammaanka Ee QM'
Wasiiradda arrimaha
dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in iyada iyo wasiirka
arrimaha dibadda ee Faransiisku Catherine Colonna inay ku dareen taageeradooda
ku aaddan in Afrikaanku ay kuraas joogto ah ka helaan golaha ammaanka.
Baerbock ayaa hadalkan
jeedisay ka dib markii iyada iyo wasiirka arrimaha debedda ee Faransiisku ay
kula kulmeen guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki xarunta Midowga Afrika ee
Addis Ababa.
"Haddii aanu nahay
saaxiibada Yurub iyo anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, waxaanu
aragnaa in dunidu ay sannadka 2023 aanay la mid ahayn tii jirtay wixii ka
dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka, sidaa awgeed waxaanu taageernay laba
kursi oo rasmi ah oo qaaradda Afrika ay hesho,” ayay tidhi Baerbock.
Hogaamiyayaasha Afrika
ayaa sanado badan ku baaqayay in kursi joogto ah laga siiyo Qaramada Midoobay.
Guddoomiyaha Midowga
Afrika ee xilka ka sii degaya Macky Sall, sidoo kalena ah madaxweynaha Senegal,
ayaa ku celiyay dacwadaas shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhacay
bishii September.
Waxa uu sheegay in
sidoo kale ay tahay in Afrika ay kursi ku yeelato kooxda G-20 ee ugu dhaqaalaha
badan caalamka.
Madaxweynaha Maraykanka
Joe Biden ayaa taageeray arrintan intii uu socday shirkii hoggaamiyayaasha
Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacay dalka Maraykanka.
Haatan xubnaha joogtada
ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban shan dal oo kala ah
Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Maraykanka iyo Ruushka. Sidoo kale waxaa
jira dalal la doorto labadii sanoba hal mar.
Haddii go'aankan la
isku raaco, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee dalalka Afrika la siiyo
kursi awood u leh inuu dhiibto codka diidmada qayaxan ama 'Veto Power'.
VOA