Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Maraykanka Oo Booqday Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkooda

0
Saturday January 14, 2023 - 09:09:06 in News by Abdi Good
  • Visits: 1813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Maraykanka Oo Booqday Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkooda

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Maraykanka Oo Booqday Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Maraykanka Oo Booqday Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkooda
saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, ayaa komeer ku tegay Dekedda Berbera, halkaas oo ay u kuur galeen xaaladdeed iyo Qorshe ay wadaan oo ay doonayaan In ay fuliyaan bisha dambe.

Saraakiishan oo ka socday Ciidanka Isku-dhafka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika ee loo soo gaabiyo (CJTF-HOA), ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay In ay tahay indho indhayn la xidhiidha Dhoola tus caalami ah oo Ciidamada Mareykanku ka samaynayaan Waddamo ay Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda.


Dhoola tuskan waxa ka qayb galay 20 waddan oo saaxiibo la ah Mareykanka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Saraakiishan ka tirsan Milateriga Maraykanku waxay kormeereen oo indho indheeyeen goobaha suurto galka ah ee ay ka samayn karaan dhoola tuskan iyo waxyaabaha hawshooda u fududaynaya ee dhinacyada farsamada iyo imkaaniyaadka kale.


May be an image of 13 people, people standing and outdoors

Loading...
Loading...