Madaxweynaha Ruushka Oo WasiirKa Tirsan Xukuumadiisa Ku Canaantay Goob Fagaare Ah

0
Saturday January 14, 2023 - 09:04:00 in News by Abdi Good
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ruushka Oo WasiirKa Tirsan Xukuumadiisa Ku Canaantay Goob Fagaare Ah

    Madaxweynaha Ruushka Oo WasiirKa Tirsan Xukuumadiisa Ku Canaantay Goob Fagaare Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ruushka Oo WasiirKa Tirsan Xukuumadiisa Ku Canaantay Goob Fagaare Ah

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa niyad jab ka muujiyay shirkii sanadlaha ahaa ee dowladiisa, isagoo si bareer ah u canaantay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

Dhowr daqiiqo, ayuu Putin waxa uu Denis Manturov ku eedeeyay dib u dhac ku yimid amarka diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga.

"Muddo aad u dheer, ayay qaadanaysaa waqti aad u dheer," ayuu yiri madaxweynaha Ruushka, oo ah nin aan dib u dhigan marka uu doonayo inuu dhaleeceyo mas’uuliyiinta sare sare ee dalkiisa waliba meel fagaare ah.

"Maxaad u ciyaaraysaa, goorma ayaa heshiisyada la saxiixayaa?" ayuu su’aalay wasiirka.

Muuqaal laga sii daayay telefiishanka Ruushka, ayuu Putin ku ammaanay sida ay wasiirradiisu u maareeyaan dhaqaalaha dalka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si isdaba joog ah hadalka uga dhex galay Manturov markii uu ka hadlayay qorshayaasha diyaaradaha, helikabtarrada iyo maraakiibta.

"700 oo diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa helicopters-ka ah... tan waxay ahayd in ay maamusho wasaaradda gaashaandhigga, shirkado dhowr ah ayaan wali helin wax amar ah," ayuu ka cawday.

Kulankii ugu horeeyay ee dowladda ayaa yimid isla maalintii uu Putin bedelay taliyihii ugu sareeyay ee Ukraine ka dib seddex bilood oo kaliya oo uu xilka hayay.

Jeneral Sergei Surovikin ayaa xilka loo magacaabay bishii Oktoober ka dib markii uu dib u dhac ku yimid duulaankii Ruushka ee Ukraine, balse wuxuu ku guuldareystay qorshayaal dhanka dagaalka ah.

Kalsoonida

Manturov waxa uu ahaa xubin daacad ah oo ka tirsan kooxda wasiiradda Putin tan iyo 2012-kii, waxa uuna si joogto ah ula safri jiray madaxweynaha booqashooyin heer qaran iyo mid caalami ah.

Waxaa loo xilsaaray inuu kormeero warshadaha hubka ee Ruushka xagaagii hore, markaas oo cilladaha hadda keenay in la cananato la soo bandhigay.

Manturov ayaa sharaxay in wasaaradiisu ay bilowday barnaamij lagu soo saarayo matoorada helikabtarrada ee St.

Inkasta oo uu wasiirku ballan qaaday in wasaaraddiisu ay samayn doonto wax kasta oo suurtogal ah si loo dardargeliyo hawlaha ay gacanta kuwada hayaan dhinacyo kale, ayaa haddana hadalladiisa waxaa ka muuqanayay kuwo aan dejin karin carada ka muuqatay madaxweynaha.

"Maya, ku samee bil gudaheed, miyaadan fahmin xaalada aan ku jirno, waa in la sameeyaa bil gudaheed, ma aha ka dib." Ayuu yiri madaxweyne Putin.

Canaantan oo laga sii daayay taleefishinka ayaa soo xasuusisay dad badan dhacdo ka sii yaab badaned oo dhacday saddex maalmood ka hor inta uusan dagaalku billaaban, markii Putin uu amar ku siiyay in saraakiishiisa sare ee ammaanka in Ruushku uu u aqoonsado laba goobood oo la haysto ee ku yaalla bariga Ukraine inay madaxbannaan yihiin.

Markii mid ka mid ah xulafadiisa aadka ugu dhow, oo ah madaxa sirdoonka Sergei Naryshkin, uu si caadiya u soo jeediyay in saaxiibbada reer galbeedka ee Ruushka la siiyo fursadii ugu dambeysay, Putin wuxuu bilaabay inuu su'aalo weydiiyo.

Naryshkin ayaa dhowr jeer ereyadiisa ku turunturooday ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu taageerayo isku dhafka labada gobol ee Ruushku qabsaday.

In kasta oo Putin uu sheegay in isku darka gobollada Ukraine aysan ahayn arrin miiska saaran xilligaas, haddandhowr bilood ka dib wuxuu ku dhawaaqay tallaabo noocaas ah.



Putin ayaa dhowr jeer hadalka ka dhex galay wasiirka


BBCsomali
Loading...
Loading...