Arday Somaliland Ah Oo Ku Xayiran Itoobiya Iyo Sababta

0
Friday January 13, 2023 - 18:38:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Somaliland Ah Oo Ku Xayiran Itoobiya Iyo Sababta

    "Ardaydu waxay iska soo bixiyeen kharashka, warqadda caafimaadka, warqadda danbi la'aanta,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ardaydu waxay iska soo bixiyeen kharashka, warqadda caafimaadka, warqadda danbi la'aanta,"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha arimaha  Bulshada ee Xisbiga Waddami Maxamed Sadiiq Dhame ayaa sheegay in 20 arday oo ku guulaystay deeqwaxbarasho oo dalka Itoobiya siiyay Somaliland ay ku xayiran yihiin Itoobiya.

 

Xoghayaha ayaa sheegay in dib udhac ku yimid ardaydan, dib udhacaasi oo ka yimid ayuu yidhi farsamo xumo xaga xukuumada ah, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

20 Arday oo ku xanniban Addis ababa ?

October 2022 waxa la xayaysiiyay 65 Deeq Waxbarasho Jaamcadeed (Master) oo Dalka Itoobiya ku caawiyay Somaliland, 23 NOV 2022 ayaa la baahiyay natiijada Deeqda Waxbarasho, Ardaydaasi waxa ay yimaaddeen Addis-abab 22-December 2022, waxa xidhmay waqtigii la qaadanayey Ardayda Jaamcadaha (Admission) habsanku wuxuu ka yimi xagga Dawladda Somaliland, Ardaydaasi waxa ku dhacay Khasaare iyo lugooyo farsamo xumo ah!

 

Masuuliyad darradani waxa ay ka timi Komishanka Tacliinta sare iyo Safaaradda Somaliland ee Dalka Itoobiya oo aanu hagaagsanayn nidaamkooda wadashaqayneed, waxa ceeb ah 20 Arday oo Jaamcadihii ka xidhmeen in ay joogaan Addis-abab oo aan cid xil iska saartay jirin 22 maalmood.

 

Ardaydu waxay iska soo bixiyeen kharashka, warqadda caafimaadka, warqadda danbi la’aanta, Passport-ka, Visa Itoobiya, Tigidhka Diyaaradda iyo Nolosha Kharashka Addis oo ay hadda joogaan, waa in xil layska saara Ardaydaa.


Loading...
Loading...