Ciidanka Amxaarada Oo Ka Baxay Gobolka Tigray
Dowladda Itoobiya ayaa
xalay shaacisay, in ciidamada Amxaarada ee ka barbar dagaallamayay millatariga
Itoobiya, ay ka baxeen gobolka Tigray.
Ciidankan oo ka socday
gobolka Amxaarada ayaa ka qeybgalay dagaalka sokeeye ee muddada labada sano ka
socday gobolka Tigray, kaas oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo garabsanaya
Erirea iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo dhinac ah iyo xoogaga TPLF.
Ka bixistan ayaa qeyb
ka ah, heshiis uu garwadeen ka ahaa Midowga Africa oo ay dowladda iyo TPLF
bishii November ku kala saxiixdeen South Africa, kaas oo gundhig u noqon doono
nabad ka islaaxda Itoobiya.
Dagaalka sokeeye ee
Itooboya ayaa qarxay bishii November ee sannadki 2020-ki, kaddib khilaaf xoog
leh oo soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo maamulka Tigray.
Kumannaan qof ayaa lagu
dilay dagaalka, halka ay ku bara baxeen in ka badan 12 milyan oo ruux, sida ay
sheegtay Qaramada Midoobay.
VOA