Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Qaabka Ay Tahay In Loo Xaliyo Arinka Laascaanood

0
Friday January 13, 2023 - 11:09:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Qaabka Ay Tahay In Loo Xaliyo Arinka Laascaanood

    "Waa shuqul dememas in inta nool uun tooda laga taliyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa shuqul dememas in inta nool uun tooda laga taliyo"


Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray oo inta badan ka hadla xaaladaha Dalka ayaa sheegay in arinka Laascaanood ka taagan loo baahanyahay in baadhis dhaba laga sameeyo si’aanu arinkani mar dambe udhicin, sida uu siyaasigu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Arimuhu iskuma jiraan eh shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood waa arin mudan in si gaar ah loo baadho warbixin dhamaystiran oo xaqiiqada ku salaysan laga soo saaro ay muhiim tahay. Hadii kale waa tii aynu dhaqanka u lahayn : WIXII DAAN YAAL DABAYLI HA QAADO WIXII DAAF YAALNA DOOXU HA QAADO. Waa shuqul dememas in inta nool uun tooda laga taliyo magta intii dhimatayna dawladdu dusha u ridato. Si aan mar kale tan oo kale u dhicin waa in la isla meeldhigo talaabooyin hor leh oo ku wajahan xoojinta amniga Laascaanood.

 

Arinka kale waa mid ka balaadhan shaqaaqada Laascaanood oo siyaasi ah. Wuxu khuseeya dheeliga ku jira awood-qaybsiga (powe sharing) oo ah qodobka ugu muhiimsan tabashooyinka beelaha bariga iyo saamiga ay gaarka ugu yeelanayaan. Taas iyo kuwo kale ayaa udub-dhexaadka Somaliland la wada leeyahay sal u ah.

 

U malayn maayo intaasi tahay wax go’aan lagaga gaadhi karo wakhtigan kulamada ka socda Laascaanood balse ugu yaraan in isfahan laga gaadhi karo garowshan la helo ayaaba wax ah. Xagga xilalka magacaabista ku yimaadda laftooda in uu wax ka qabto madaxwaynaha ayay u taal. Arimaha dibadaha laga wadwaday wax hadal dhaafsiisan maaha oo waxa ka muhiimsan dadka gudaha ku jira iyo sida ay danahooda uga tashan karaan mana filayo in ogol yihiin carro nabad ah in loo rogo goob dagaal sida ay hadda xaaladdu tahay marka la eego. Markaa insha Allah khayr bay noqon ee ha loogu duceeyo isafgarad in wax waliba ku soo dhamaadaan”

 

Xaalada Laascaanood Ayaan weli loohelin wixii lagu dawayn lahaa, shir ay xukuumada Muuse Biixi la yeelatay dhawaan waxgarad ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ayaana ku dhamaaday isfahanwaa.

 

Waxaana Laascaanood ka socda shirar ay leeyihiin wax garadka iyo qaybaha Bulshada Laascaanood.


Loading...
Loading...