War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday Isaga Oo Maxkamada Ku Sugan

0
Monday June 17, 2019 - 20:08:32 in News by
  • Visits: 3758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday Isaga Oo Maxkamada Ku Sugan

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday Isaga Oo Maxkamada Ku Sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday Isaga Oo Maxkamada Ku Sugan


Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Morsi


Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.


Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.


Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.


Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.


Wuxuu ku jiray xabsi tan iyo markii la xiray.


Xilligaas ka dib waxaa bilowday howlgal ka dhan ahaa taageerayaashiisa Ikhwaanka.


Dacwadda maanta la dhageysanayay waxay ku saabsanayd xiriirkii uu la lahaa ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, sida uu baahiyay telefishinka qaranka dalkaas.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...