Haweeney Loogu Yeedhay Lakulankii Ugu Danbeeyay Ee Ninkeeda Inta Aan La Toogan
Qoyska nin u dhashay
Britain iyo Iran oo labo dhalasho ka haysta labada dal isla markaana lagu
xukumay dil ayaa sheegay in Iran ay u diyaarinayso in la toogto.
Xaaska Alireza Akbari
ayaa BBC Persian u sheegtay in sarkaal uu ka codsaday in ay timaado xabsiga uu
ku xiran yahay ee Tehran si ay kulankii ugu dambeeyay u yeeshaan.
Mr Akbari ayaa sidoo
kale loo gudbiyay xabsi keligiis ah, taasoo loo arko calaamad muujinaysa in dil
uu kusoo fool leeyahay.
Mr Akbari waa ku
xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, waxaa la xiray 2019-kii, waxaana
lagu eedeeyay inuu u basaasayay UK, taasoo uu beeniyay.
Farriin maqal ah oo ay
heshay BBC Persian, ayuu ku sheegay in la jirdilay laguna qasbay in uu kamarada
ka qirto dambiyo uusan gelin.
Saacado ka dib markii
farriinta codka ah laga sii daayay BBC Persian, wakaalada wararka ee Mizan ee
garsoorka Iran ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Mr Akbari lagu helay
danbi basaasnimo, maxkamada sarena ay diiday racfaankiisa.
Afhayeen u hadlay
wasaaradda arrimaha dibadda UK ayaa BBC-da ki yiri "Waxaan taageereynaa qoyska
Mr Akbari, waxaana marar badan kiiskiisa u gudbinay maamulka Iran.