Dawlada Uganda Oo Shaacisay In La Cidhibtiray Xanuunka Ebola Kana Digtay Cuduro Kale

0
Thursday January 12, 2023 - 11:21:43 in News by Abdi Good
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Uganda Oo Shaacisay In La Cidhibtiray Xanuunka Ebola Kana Digtay Cuduro Kale

    Dawlada Uganda Oo Shaacisay In La Cidhibtiray Xanuunka Ebola Kana Digtay Cuduro Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Uganda Oo Shaacisay In La Cidhibtiray Xanuunka Ebola Kana Digtay Cuduro Kale

Dawlada Uganda ayaa shaacisay in la cidhibtiray xanuunka Ebola oo dhawaan ka dilaacay gobolo kamid ah dalkaasi.

Wasiirka caafimaadka Uganda Dr. Jane Ruth Aceng Ocero ayaa fariin ay ku baahisay barta twitter-ka ee wasaaradeeda waxay ku sheegtay in la dabargooyey xanuunka Ebola balse ay heer sare marayaan xanuuno kale oo halis ah.

"Uganda hada waa ka xor xanuunka Ebola, balse lama joogo wakhtii la raaxaysan lahaa, cudurka kaneecada iyo xanuunada kale ee ay ka mid yihiin HIV/Aids, TB-da, dhiigkarka iyo kansarku wali maaha qaar nastay oo hoos u dhacay.”

Wasaarada caafimaadka Uganda oo shacabka u diraysa fariin caafimaad ayaa intaas sii raacisay qoraalka " u bax baadhitaan caafimaad,kana hel daawayn shaqaale caafimaad oo aqoon leh,u hogaansan daawaynta laguu qoray,ku celceli dabeecadahaaga ka hortaga ee lagugula taliyey,xasuusnow in caafimaadka waxa lagu sameeyaa guriga waxaana lagu dayactiraa oo kaliya goob caafimaad.”



Image

 


Loading...
Loading...