Uganda Oo Shaacisay Inay Cidhibtirtay Xanuunka Ebola
Hadalkan ayaa daba
socda muddo 42 maalmood ah oo aysan Uganda diwaangelin kiisas cusub.
"Waxaan si guul
leh u xakameynay dillaacitaankii Ebola ee Uganda," ayay tiri Wasiirka
Caafimaadka Jane Ruth Aceng oo sidan ku sheegtay munaasabad maanta ka dhacday
Mubende.
Dillaacitaanka
xanuunkan, oo billowday bishii September, ayaa sababay walaac gaar ah iyadoo uu
sababay xanuunka ka soo billowday Sudan, oo uusan ka jirin tallaalka xanuunka.
Kiisaskan ayaa markii
hore ku badnaa degmooyinka gobollada dhexe ee Mubende iyo Kassanda, halkaasoo
uu ka soo billowday xanuunkan.
Balse xanuunkan
safmarka ah ayaa u muuqda mid xakamaha ka baxayay markii kiisas lagu arkay ugu
yaraan toddobo degmo oo kale, oo ay ka mid tahay Kampala.