Waa Maxay Qodobka Xudunta U Ah Khilaafka Siciid Deni Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ee Ku Saabsan Somaliland?

0
Wednesday January 11, 2023 - 16:11:00 in News by Abdi Good
  • Visits: 2239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Qodobka Xudunta U Ah Khilaafka Siciid Deni Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ee Ku Saabsan Somaliland?

    Waa Maxay Qodobka Xudunta U Ah Khilaafka Siciid Deni Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ee Ku Saabsan Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Qodobka Xudunta U Ah Khilaafka Siciid Deni Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ee Ku Saabsan Somaliland?

Inkasta oo ay jiraan dhawr qodob oo sal u ah khilaafka Puntland iyo Dawladda Federaalka ah ee Somalia, haddana waxa jira qodob si gaar ah ugu saabsan Somaliland oo Punland aad uga cadhaysan tahay.


Qodobkan ayaa ah mid la xidhiidha doodda dhamaystirka Distuurka Federaalka ah ee Somalia, oo Deni uu ku doodayo in Somaliland uu u ogolaanayo in ay noqoto dal madax bannaan.

Shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo ahaa mid si weyn isha loogu wada hayay, oo laga sugayey in heshiis lagu kala saxeexdo, qodobada horyaalayna ay ka mid ahayd dhismaha ciidan qaran, heshiiska garsoor madax-banaan iyo kala saarista awooddaha labada heer dowladeed oo boos weyn ka ah dhameystirka Dastuurka.

Qodobbada uu diiday Siciid Deni, ee xudunta u ah khilaafka soo shaac baxay iyo War-saxaafaddeedkii ay soo saareen ayaa ahaa qodobka dhamaystirka Distuurka, waxaanu ku dooday Mr. Deni in aanay Xasan Sheekh doonayn in la soo hadal qaadin qaddiyada Somaliland, maadaama oo dhamaystira Distuurku yahay mid Somaliland fursad u siinaya in ay noqoto dal ka madax banaan Somalia, isla markaana u ogolaanaysa sida uu ku dooddayo in Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari ay noqon doonaa kuwo Somaliland ka mid noqda oo doonistoodii meesha ka saarta.

Maxaa kagaga baxay?
May be an image of 2 people and beard


Loading...
Loading...