Maxay Tahay Dhibaatada Ay Kuu Gaysan Karto Haddii Aad Dhuxusha Kulaasho Wakhtiga Qabawga?
Xilli uu qabow badan ka
jiro meelo badan oo caalamka ka mid ah , ayaa khubarada dhinaca caafimaadka ee
dalka Nigeria waxay uga digay shacabka in ay ka fogaadaan in ay kulaaxaan
dhuxusha dabka, oo ay sheegeen in dhibaato dhanka caafimaadka ah ay leedahay.
Khubaradan ayaa sheegay
in dhuxusha oo la kulaaxo si diirimaad looga raadiyo ay sababto qaar ka mid ah
xanuunada saameeya neefmareenka, isla markaana waxyeelo u geysta maqaarka jirka
bini’aadamka.
Digniintan ka soo
baxday Dhakhaatiirtan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jireen lamaane la sheegay in
ay naftooda ku waayeen dab ay kuleyl ka raadinayeen oo ay qolkooda soo
gashadeen deegaanka Dawakin Tofa ee magaalada Kano. Inta lagu jiro xilliga
qabowga daran, dhuxusha ayay dadka gashadaan guryaha si ay u kulaalaan.
Balse, khubaradu waxay
sheegeen in dab lagu shido qolka ay aad khatar u tahay caafimaad ahaan iyo
badqabka qofkaba
Sida ay sheegtay Dr.
Hadiza Ashiru oo ah dhaqtarad ku takhasusay cudurrada carruurta oo ku sugan
dalka Nigeria in dhuxusha oo la kulaalo ay qofka u horseedi karto cudurro.
"Waxa ugu horreeya
ee ay sababayso waa in uu dab kaco, kaas oo sababa khasaare hantiyeed oo
mararka qaar uu gaaro heer nafeed," ayay tiri Dr. Hadiza Ashiru.
"Waxay ku keentaa
dhibaato xagga neefsashada ah, waxay gubtaa marinnada neef-mareenka, waxayna
aad u dhibaateysaa dadka qaba xanuunnada neef-mareenka sida neefta," ayay
tiri.
Laakiin waxay sheegtay
in daaqadaha qolka la furo lana dhexdhigo dhuxusha si ay qolka u diiriso ka hor
intaanay dadka guriga sexanaya soo galin.
Waxay ay bulshada ka
codsatay in badalkii ay duxusha shidi lahaayeen ay qaataan dharka dhaxanta sida
bustooyiinka xilliga uu qabowga daran jiro.
Dhaqaatiirta ayaa
sheegay in xanuunnada laga qaado dhuxusha oo la kulaalo ay ka mid tahay neefta
ama Asthma.
Asthma waa xaalad guud
oo asiibta quumanka - tubooyinka yaryar ee neefta ka soo qaada isla markaana u
gudbiya sambabbada.
Waa xaalad sababta inay
adkaadaan murqaha ku hareereysan neefmareenka iyo barar iyo cuncun ku yimaada
neefmareenka.
Tan ayaa sababi karta
qufac, hindhiso, xabad xanuun iyo neefta oo ku dhibta.
BBC