Sacuudiga oo wada fasaxay Xujeyda Caalamla
Boqortooyada Sacuudi
Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida
kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in
aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan.
Isaga oo ka hadlayay
magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo
Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay
in la qaaday xadidaadda xajka.
Xaji sannadki 2019 ayaa
waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo
qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa
sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas
ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.
Sannadki 2021,
boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray
muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadki hore ay
xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.
VOA