Laascaanood Waxa Ay Ka Xorowday Somaliland Jan 4,2023.

0
Tuesday January 10, 2023 - 22:26:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Laascaanood Waxa Ay Ka Xorowday Somaliland Jan 4,2023.

    (Cali Guray baa laga hayaa laascanood tagtaye magacee loo bixin inta hadhay Ma Dir land ma Isaaq land)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Cali Guray baa laga hayaa laascanood tagtaye magacee loo bixin inta hadhay Ma Dir land ma Isaaq land)


Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriis sida qabiilada  kale ee SOMALILAND laakiin dagaalkii darawiishta ayey la galeen Ingiriiska.1921 ayaa ingiriisku xoog ku qabsaday  carro Dhulbahante ka dib jabki darawiishta markii cirka laga dukheeyey xaruntii Taleex ee dawladii sayid Mohamed Cabdilahi ee Darawiishta. Ingiriisku waxa u sameeyey Laascanood District oo ay ka mid noqotay maxmiyadii ingiriiska ee SOMALILAND British protectorate.1960 June 26 xoriyad ayaan ka qaadanay ingiriiskii waxan dhacay midowgii Somalia July 1960.

 

1991 waxa burburtay dawladii somaliyeed waxana gobolada woqooyi lagaga dhawaaqay maamulka SOMALILAND.



Maamulka SOMALILAND carro Dhulbahante oo an buuhoodle ku jirin waxa uu xoog ku qabsaday 2007 ka dib markii maamulkii  TIGRAYGU EE XABASHIDU  gacan ku siiyey SOMALILAND.sidii Ingiriisku ugu qabsaday 1921 ka dib jabkii darawiishta.


Muddo 15 sano ayuu maamuilkaas SOMALILAND ka shaqaynayey Laascanood oo xaruntii Gobolka Sool.

Jan 4 2023 ayaa maamulkii SOMALILAND xoog looga saaray laascanood ka dib  dilal badan iyo xasuuq ay gaysteen ciidamada SOMALILAND.


Jan 4 2023 waxa ay laascanood iyo carro dhulbahante u ahayd maalintii xorriyadda oo la mid 1960 markii ingiriis ka xoroobeen.


Shirar ayey sameeyaan madaxdoodu waxa ay soo sareen 12 qodob oo sheegaya inay iyagu is maamulayaan ciidamada SOMALILAND ee gobolka joogana ay ka baxaan gobolka.


Arintu halkaa ayey imika taagantahay dad helay xorriyad ka Maqnayd 15 oo dib u xoraystay dhulkoodii oo aan xoog Moyaane si kale ku looga qaadi karin xoroyadooda.


Haddaba suaashu waxay tahay SOMALILAND maamulkeedu xoog ma ku soo celin karaa laascanood iyo gobolka Sool iyo Buuhoodle?


Jawaabta waxay u taal maamulka SOMALILAND laakiin albaab kale oo u furan ma jirto oo aan ahayn inay xoog mar kale ku qabsadaan laascanood taas oo ah arin aan fududayn oo dhiiig iyo dhimasho badani ka soo horayso.

Arinkkaasi wuxu horyaal Biixi iyo maamulkisa oo kaliya caadaystsy xabad iyo xadhig  isagoo dilal badan ka gaystay magaloyinka Hargaysa.Burco ,Borama ,Ceerigaabo iwm inkastoo laascanood loogu xoog sheegtay imika.


LAASCAANOOD xoriyadeeda dhiig dhalinyaro badan ayaa ku maqan sidaa awgeed waxan u rajaynayaa inay xoriyadooda ilaashadaan iyo midnimadooda.


SOMALILAND Cali Guray ayaa runta u sheegay oo yiri Laascsnood tagtay ee maxa loo bixin inta Hadhay ma DIR LAND MA ISAAQ LAND.

Waxan ku talin lahaa in Magac loo bixiyo inta hadhay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...