'' Iskuulka Abaarso , Waa Iftiin Inoo Soo Baxay '' ... W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Monday June 17, 2019 - 18:18:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Iskuulka Abaarso , Waa Iftiin Inoo Soo Baxay '' ... W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Waaggii Ingiriiska , Somaliland waxay heli jirtay 12 arday oo deeq waxbarasho u taga wadanka Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaggii Ingiriiska , Somaliland waxay heli jirtay 12 arday oo deeq waxbarasho u taga wadanka Ingiriiska

, kuwaasoo lix ka midi ka tagi jirtay Dugsigii sarre ee sheekh , lix ka midina dugsigii sarre ee Camuud bay ka iman jirtay , 12 arday baa Somaliland wax deeqa heli jirtay .


Ardaydii deeqahaa waxbarasho heshay , oo ahaa kuwo tacliintooda oo dhan intay Somaliland joogaan ku qaadan jirey dugsiyo Boarding ah , wax diinta ka baxay ama gaaloobay laguma maqlin . waxaanay noqdeen jiilalkii aqoontaada Soomaali oo dhamiba u ayday



Hadaba waagii Taliskii Maxamed Siyaad ayaa la laalay deeqdaas waxbarasho , waxaana laalay Taliskaas 1970 iyadoo ujeedada keliya ee loo laalayna tahay , in dadka reer Somaliland aqoonta lagala dagaalamo , goobaha waxbarashadana lagga curyaamiyo .


Muddo dheer ka dib , dugsiga abaarso ayaa ilaahay inoo keenay , waxaanu soo saaray arday si heer sarre ah wax u baratay , kuwaasoo deeqo waxbarasho u tagay jaamacadaha Aduunka oo dhan ugu sareeya ugana magaca wayn .


Hadaba markii la arkay ilayskaa mar kale kasoo bidhaamaya geeska afrika ee tacliinta ayaa laggu soo qaaday dagaal abaabulan oo iskuulkaas laggu dacaayadaynayo , iyadoo ujeeedada keliya ee laga leeyahayna tahay xaasidnimo .


Hadaba waxaa cajiiba dadka iskuulkaas weerarka ku ahi way garanayaan waxay ku diidan yihiin, laakiin kuwa sida tooska ah ama sida dad ban loo adeegsanayaa ma oga waxa iskuulkaasi ay haystaan ama ku diidan yihiin


Si kastaba ha ahaatee , dacaayadaha raqiiska ah ee iskuulkaas laggu hayo , oo la mida kuwii laggu hayay waagii tacliintu bilaabantay qarnigii horre , ee laggu dhaawacay Yuusuf Xaaji aadan , mar uu jimcisi iyo ciyaarsiis u samaynayay ardaydii uu wax barayay , kana tirayay gabaygan soo socdaa , maaha kuwo Ilayskaa inoo soo iftiimay inaga qarin kara waxtarkiisa , dadkana laggu marin habaabin karro


Dhalinyariyo waayeel tolkay dhagaxyo ii qaadye ,

Dhalaankuna ma hadho maalintay igu dhawaaqaane ,

Anigana dhibtood iiga dhigan dhayda caanaha e ,

Dhaar baan ku maray in aan wax baro dhoof anoo jirra e ,

Jeeroo la dhaansado cilmiga dhaaxa lagga raagay ,

Jeeroy sidii dhool onkoday hoortu dhibicidiiso ,

Dhalinyariiyo waayeel ilaa dhigasho loo jeesto ,

Dhimi maayo orodkaa ilaa iilka la i dhigo 'e

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...