Aqalka wakiillada ee Maraykanka oo cambaareeyay Islaam iyo Yuhuud nacaybka

0
Saturday March 09, 2019 - 12:22:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka wakiillada ee Maraykanka oo cambaareeyay Islaam iyo Yuhuud nacaybka

    Aqalka wakiillada ee dalka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku cambaareeyay "hadallada dulqaad la'aanta ah ee nacaybka ku salaysan" iyadoo bartanka lagaga jiro muranka ku saabsan Yuhuud nacaybka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka wakiillada ee dalka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku cambaareeyay "hadallada dulqaad la'aanta ah ee nacaybka ku salaysan" iyadoo bartanka lagaga jiro muranka ku saabsan Yuhuud nacaybka.

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad laga soo doorto Minnesota ayaa dhalleecayn xoog badan la kulantay dhawaan ka dib markii ay si joogto ah u dhaliishay Israa'iil iyo qolyaha Israa'iil u ol'oleeya ee ku sugan Washington.



Xisbigeeda Dimuqraadiga ayaa ku kala qaybsamay in aad loo dhaleeceeyo gabadha xildhibaannimada aqalka wakiillada ku cusub.


Afhayeen Nancy Pelosi ayaa diiday in qaraarkan lagu cambaaraynayo Ilhaan.


"Iyada loolama jeedo. Balse waxaa loola jeedaa nacaybka," ayay tiri Nancy oo la hadlaysa saxafiyiinta, iyada oo diiday wararka tilmaamaya in qaraarkan looga gol leeyahay in lagu xakameeyo hadallada ka soo baxaya xubnaha aqalka".


Pelosi ayaa horay u sheegtay "in ay rumaysan tahay in Ilhaan aysan fahamsanayn culayska ay leeyihiin ereyada ay adeegsatay".


Aqalka wakiillada oo ay aqlabiyad ka yihiin xubnaha aqalka Dimuqraadiga ayaa u codeeyay qaraarkii la horkeenay ee lagu cambaaraynayay cunsurinimada lagula koco Muslimiinta, dadka Yuhuudda ah, Latinos iyo dad yawga kale ee laga tiro badan yahay.


Waxaa qaraarkaas taageeray 407 xildhibaan waxaana ka soo horjeedsaday 23.


Qaar ka mid ah xubnaha Dimuqraadiga ayaa rabay in codaynta diiradda lagu saaro nacaybka Yuhuudda ka dhanka ah oo kali ah, balse qaraarka ayaa la ballaariyay, lagumana xusin magaca Ilhaan.


Dad labada xisbi ka kala tirsan ayaa weeraray gabadhan 37 jirka ah iyaga oo sheegay in hadalkeedu uu soo nooleeyay Yuhuud nacaybkii.


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaliilay Ilhaan wuxuuna sheegay in ay mar kale culays wajahayso iyadoo loo haysto hadalkii qaabka darnaa ee ay ka tiri Israa'iil.


Balse dad kale ayaa difaacay Ilhaan.


Bernie Sanders oo ah murashax madaxweyne isla markaasna ah Yuhuud ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in uu ka cabsi qabo in codka aqalka lagu bartilmaameedsanayay xildhibaannada, wuxuuna intaan ku daray "in dadku aysan isla xiriirinin nacaybka Yuhuudda iyo in si sharci ah loo dhaliilo xukuumadda Netanyahu ee siyaasaddeedu dhanka midg tahay ee Israa'iil".


Ilhaan oo ah gabadhii u horraysay ee Soomaali ah ee Maraykanka xildhibaanad ka noqota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.


Bishii Feebaraayo ayaa lagu dhaliilay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in ururka u ololeeya siyaasadda Yuhuudda ee (Aipac) uu gadanayo saamaynta siyaasadaha Israa'iil taageeraya.


Balse markaas ka dib ayay raali galin bixisay, waxayna sheegtay in ay xubnaha ay isla shaqeeyaan ay uga mahadcelinayso "baridda taariikhda xannuunka badan ee Yuhuud nacaybka".


Sources: BBC


Loading...
Loading...