Nidaamka Federaalka ee Somalia iyo Ujeeddada Siciid Deni ka lahaa Go'aankii Puntland.

0
Tuesday January 10, 2023 - 14:08:04 in News by Abdi Good
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nidaamka Federaalka ee Somalia iyo Ujeeddada Siciid Deni ka lahaa Go'aankii Puntland.

    Nidaamka Federaalka ee Somalia iyo Ujeeddada Siciid Deni ka lahaa Go'aankii Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka Federaalka ee Somalia iyo Ujeeddada Siciid Deni ka lahaa Go'aankii Puntland.
Nidaamka Federaalka ee Somalia iyo Ujeeddada Siciid Deni ka lahaa Go’aankii Puntland.

Nidaamka Federaalka ee Somalia loo sameeyey sannadkii 2012-kii, waxa uu ahaa mid dibedda lagaga keenay, markii muddo labaatan sanno ka badan shirar loogu qabtay dalalka dibedda ah ay horseedi waayeen in mushkilada siyaasaddeed, amni iyo khilaaf qabaa’ilka xal loo helo. Nidaamkan ma ahayn mid ku yimid doorasho dhinaca Soomaalida ah, balse wuxu ahaa mid dhaqaale iyo farsamo ku bixiyeen dalalka Beesha Caalamku. Nidaamkan dawladdeed ee loo soo waariday Somalia, waxa uu noqday mid aan keenin xalkii laga filayey ee loo sameeyey sababo badan oo jira awgeed, balse taasi beddelkeeda waxa ay horseedeen khilaafyo horleh oo hanoqaad ka dhigi waayey qaar ka mid ah maamullada xubnaha ka ah ama ka noqonaya Dawladda Federaalka ah.


Nidaamkan waxa uu mar kale bar bilow u noqon karaa khilaafaad siyaasi oo daba dheeraad iyo furfur cusub oo ku yimaada nidaamka Federaalka ah ee Somalia, oo halkii la filayey inuu xaliyo muskhilada Somalia, abuuray mid cusub oo meel ay ku dhamaanayso aan la garanayn.

Talaabada Puntland ay shaacisay oo loo badinayo in ay tahay mid siyaasaddeed oo Siciid Deni ka leeyahay dhawr ujeeddo oo siyaasaddeed oo ay ka mid yihiin;

•Inuu iskaga yareeyo ama ku jeediyo culays ka siyaasaddeed ee guddaha ka haysta ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

• Inuu Farriin is muujin ah oo uu u diray Xasan Sheekh, oo uu u galay abaal weyn, markii uu kala qayb qaatay quusinta markabkii Nabad iyo Nolol ee naakhuudaha ka ahaa Farmaajo, balse kaga baxay waxyaabo badan oo uu ka filayey, oo ahayd Raysal Wasaare ugu yaraan ama in cid uu wato loo magacaabo.

• Arrimaha geeddi socodka Federaaleynta oo aanu la dhacsanayn, oo isaga oo ku dooddaya in Somaliland, Xasan Sheekh ula dhaqamayo si dal madax bannaan, marka loo eego arrimaha Laascaanood iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah ee Somalia.

qodobadan iyo kuwo kaleba, waxa ay dab ku sii shidi karaan xaaladda siyaasaddeed ee Somalia iyo Geeddi socodka Federaalka Somalia.

Loading...
Loading...