Maxay Tahay Fadeexadda Kaadida Ee Diyaaradda Hindiya Ku Dhacday?

0
Tuesday January 10, 2023 - 09:18:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Fadeexadda Kaadida Ee Diyaaradda Hindiya Ku Dhacday?

    "Eedaysanuhu wuxuu si buuxda ugu kalsoon yahay nidaamka garsoorka dalka,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Eedaysanuhu wuxuu si buuxda ugu kalsoon yahay nidaamka garsoorka dalka,"



Madaxa shirkadda Tata Sons ee dalka Hindiya ayaa "yaqyaqsi” ku tilmaamay dhacdo la sheegay in nin sakhraansan uu ku kaadiyay haweeney da’ ah oo la socotay mid ka mid ah duullimaadyadooda.

 

Dhacdadan ayaa dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagay ka dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Tata ee Air India. Laakiin waxaa la soo wariyay toddobaadkii hore uun kadib markii haweeneydu ay dacwad gudbisay.

 

Warkan ayaa horseeday caro weyn oo ka dhacday Hindiya iyadoo lagu dhaleeceeyay sida ay diyaaradda Hndiya u maareysay dhacdadan.

 

Ninkan ayaa la xiray dhammaadkii toddobaadka.

Waxaa sidoo kale laga eryay shaqadii uu ka hayay shirkadda bangiyada Mareykanka ee Wells Fargo.

 

Bayaan uu soo saaray Axadii, guddoomiyaha Tata Sons N Chandrasekaran wuxuu ku sheegay in diyaaradda ay ahayd inay si degdeg ah uga jawaabto.

 

"Dib-u-eegis ayaan ku sameyn doonnaa dibna waan u habeyn doonnaa hab-raac kasta, si aan uga hortagno ama wax uga qabanno dhacda kasta oo aan wanaagsanayn," ayuu yidhi.

 

Hadalkiisa ayaa yimid maalin ka dib markii maamulaha shirkadda Air India Campbell Wilson uu muujiyay "ka qoomameynta" iyo "xanuunka" macaamiishoodu ay ka muujiyeen "falalka cambaaraysan ee soo gaara macaamiisha".

 

Dhacdadan ayaa ka dhacday 26kii Nofembar gudaha qaybta khaaska ah ee duullimaadka New York -Delhi. Eedeysanaha, Shankar Mishra ayaa la sheegay inuu sakhraansanaa markii uu ku kaadiyay mid ka mid ah dadkii ay wada socdeen, oo ahayd haweeney 72-jir ah.

 

"Dharkayga, kabahayga iyo boorsadayda gabi ahaanba waxaa qooyay kaadi," ayey haweeneydu ku qortay cabashadeda maalintii xigtay.

 

Haweenaydan ayaa sheegtay in ay shaqaalihii diyaaradda ka codsatay in kursiga laga beddelo, balse loo sheegay in aan waxba loo hayn, taas beddelkeedana la siiyay kursi yar oo ay shaqaaluhu isticmaalaan. Waxay ku eedaysay in shaqaalihii diyaaradda ay sidoo kale ninka u keeneen - iyada oo aan raalli ka ahayn - si uu raaligelin uga bixiyo.

 

Haweeneyda ayaa ku tilmaantay duullimaadka midkii ugu naxdinta badnaa nolosheeda, waxa ayna sheegtay in shirkaddu kaliya ay u soo celisay qeyb kamid ah tikidhkeeda. Hadalkeeda waxaa ka marqaati kacay dhakhtar Maraykan ah oo lagu magacaabo Sugata Bhattacharjee, oo dhinac fadhiday Mr Mishra.

 

Waxa uu u sheegay telefishanka wararka ee NDTV in uu sidoo kale dacwad u qoray Air India maalintii uu shilku dhacay, balse "meelna may aysan gaarin”.

 

Dhacdada ka dib, Air India waxay samaysay guddi gudaha ah oo baara cabashada ka dhanka ah Mr Mishra.

 

Laba toddobaad ka dib, waxay ku soo rogtay xayiraad socdaal oo ku meel gaar ah oo 30 maalmood ah - dhererka xannibaadda ayaa ka mid ah qodobbada laga cadhooday markii uu warku soo baxay.

 

Codsi ka yimid qoyska haweenayda awgii, waxay ugu dambeyntii shirkaddu  gudbisay dacwad booliis ah oo ku saabsan dhacdadii 28-kii Disembar.

 

Toddobaad ka dib, ayey u gudbisay warbixin maamulka duulista Hindiya Agaasinka Guud ee Duulista Rayidka (DGCA). Toddobaadkii hore, DGCA waxay soo saartay ogeysiisyo ku socda mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha diyaaradda, iyagoo sheegay inaysan u hoggaansamin shuruucdeeda ku aaddan inay la tacaalaan rakaabka aan anshaxa lahayn. Waxaa kale oo ay sheegtay in hab-dhaqanka shaqaaluhu uu ahaa "mid aan xirfadysnayn".

 

Air India ayaa tan iyo markaas shaqa joojin ku samaysay duuliye iyo afar xubnood oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

 

Maamulaha guud ee ee shirkadda Campbell Wilson ayaa ballan qaaday nidaam warbixineed oo adag oo ku saabsan dhaqanka aan wanaagsanayn ee ka dhaca duulimaadyadooda.

 

Jimcihii, Wells Fargo ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay shaqada ka joojisay Mr Mishra "ayna la shaqaynaysay sharci fulinta".

Mr Mishra ayaa lagu xiray magaalada Bangalore ee dalkaasi hindiya Sabtidii waxaana lagu soo oogay dambiyo ay ka mid yihiin faraxumeyn iyo anshax xumo dadweyne. Kadib waxaa la keenay Delhi waxaana la horgeeyay maxkamad maxalli ah, taasoo u dirtay 14 oo xabsi ah.

 

Kahor inta aan la xirin, Mr Mishra waxa uu soo saaray bayaan uu soo mariyay qareenkiisa, isagoo sheegay in uu nadiifiyay boorsooyinka iyo dharka haweeneyda laba maalmood kadib dhacdada.

 

"Cabashada marwadu waxay ahayd kaliya marka la eego magdhowga ku filan ee ay bixiso shirkadda duullimaadka taas oo ay u soo bandhigtay cabasho December 20, 2022," ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Waxa uu intaa ku daray in "hadallada la horkeenay guddiga baaritaanka ee shaqaalihii duulimaadka ay muujinayaan in uusan jirin qof goob-jooge u ah dhacdada, dhammaan hadalladana waxay ahaayeen kuwo maqal ah".

 

"Eedaysanuhu wuxuu si buuxda ugu kalsoon yahay nidaamka garsoorka dalka, wuxuuna la shaqayn doonaa hannaanka baaritaanka," ayaa lagu daray qoraalka.

 

BBC


Loading...
Loading...