Wasiirka Waxbarashada Dalka Jsl .Qore Dr Buux Ibraahim Aadan

0
Monday June 17, 2019 - 16:16:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Dalka Jsl .Qore Dr Buux Ibraahim Aadan

    Maanta arday kasta oo dhigta iskuulada dalka jsl waxa uu si fudud u haystaa buugag daabacan oo uu ku akhrisan karo gurigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta arday kasta oo dhigta iskuulada dalka jsl waxa uu si fudud u haystaa buugag daabacan oo uu ku akhrisan karo gurigiisa

maado kasta oo uu barto  taa macnaheedu waxa weeye waxqabadka  madaxwaynaha jsl mudadii uu xilka madaxwaynanimo uu qabtay



 Madaxwaynaha jsl mudane muse biixi abdi  waxa uu u soo xulay waxbarashada dalka aqoonyahan iyo maamul daacadnimo hawlkarnimo   guuraysa

 

Tacliinta dalka jsl waxay maanta maraysaa heer uu dareemi karo qof kasta oo ku nool  gobolada dalka jsl   

Tacliintu dadkay hagtaa dalkay horumarisaa  waa iftiinka noolasha  wasiir cismaan aadan iiman waa wasiirka kaliya ee dhaqaajiyey waxbarashadii dalka jsl


Waa wasiirka kaliya ee uu madaxwaynaha jsl  uu ku keenay xul aqooneed sidoo kale waa wasiirka kaliya ee aan lahayn staff  daba  carara ama ilaaliya   taa macnaheedu waxa weeye isbadalka ka muuqda wasiirada dalka hada maamula sida madaxwaynaha jsl uu usoo xulay wasiirada sida profesor osman aadan iiman  waxa dhamaaday waqtigii  xalka ee magacaabista wasiirada laga soo dhex xuli jiray salaadiinta beelaha jsl ay ka soo jeedaan


Waxa marna aan la hilmaami karayn  heerka maanta ay marayso waxbarashada dalka jsl ilaa kor  ilaa hoos

Wali maan arag wasiir ku fadhiya kursigiisa shaqo  8hrs oo aad ka ka heli kartid xafiiskiisa saacadaha shaqada qof kastana si fudud uu ula kulmi karo isagoo xor ah  iyadoo aanay kaa hor istaagayn ciidan gaar u ah oo ilaalada wasiirda  ah


Wasiirka waxbarashada  jsl waa shamac ka dhex iftiimaya  golaha wasiirada ee dalka marka loo eego xulka madaxwaynaha jsl uu u soo xulay aqoonyahan ruugcadaaya oo ku kalsoon shaqada iyo aqoonta waxbarasho ee madaxwaynaha jsl uu u soo xulay una igmaday wasiirka waxbarashada dalka jsl


WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...