Maxaad Ugu Guuldarraysanaysaa Ka Dhabaynta Go'aannada Aad Qaadato?

0
Monday January 09, 2023 - 16:27:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ugu Guuldarraysanaysaa Ka Dhabaynta Go'aannada Aad Qaadato?

    Ma Siisid Waqti Ku Filan: Markiiba Waxa Aad La Soo Booddaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Siisid Waqti Ku Filan: Markiiba Waxa Aad La Soo Booddaa



Dhallinyaro Aad U Badan, Ayaa Siyaabo Kala Duwan Iila Soo Wadaagay Su'aal U Dhigmaysa Oo Iskugu Soo Ururaysa; Sababaha Aanay U Shaqaynin Go'aammadu!


Haddaba Waxa Aan Maqaalkan Kooban Ugu Talo Galay, In Aan Xogta Shaqsiyan Aan Hayo Kula Wadaago Dhallinyaradaas Kala Duwan Iyo Qof Walba Oo Danaynaya In Uu Helo Jawaab Ku Habboon Su'aashan.



5-Tan Qodob Mid Ka Mid Ah Ayaa Saamayn Ku Leh Ka Dhabaynta Go'aanada Aad Gaadho:


1: Xallaadda Aad Ku Sugan Tahay Waqtiga Aad Go'aanada Gaadhayso: Inta Ugu Badan Go'aannada Aynu Gaadhayno Waxa Keena Xaalado Caadifadeed Kala Duwan, Sida Cadho, Farxad, Murugo, Cabsi, Jacayl Iyo Nacayb. Haddaba Waxa Muhiim Ah In Aad Si Fiican U Garanayso Xaaladda Aad Ku Gaadhayso Go'annada, Tusaale Haddii Aad Gaadho Go'aan Adiga Oo Ku Jira Mid Ka Mid Ah Xaaladahan Oo Kale, In Ku Dhaw 60% Ma Fulaan; Sababta Oo Ah Xaaladahan Marka Aad Ku Jirto, Maskaxdaadu Waxa Ay U Shaqaynaysaa Hanaan Ku Dhisan Waqti Cayiman Oo Aan Sii Joogayn; Taas Oo Keensanaysaa In Aad Ka Booddo Qimaynta Oo Dhan Iyo Is Bar-Bardhigga Dookhakh Kala Duwan Oo Aad Isku Beddeli Karayso. Marka Aad Go'aan Gaadhayso, Deji Xaaladaada Maskaxeed Ama Caaddifadeed Iskuna Day In Aad U Qiimayso Go'aankaaga Aad Gaadhayso; Adiga Oo Ka Istaagaya Dhinacyo Kala Duwan Oo Falanqayn Ku Samaynaya Mid Walbana.


2: Ma Siisid Waqti Ku Filan: Markiiba Waxa Aad La Soo Booddaa Hal Dookh Oo Aad Go'aansataa In Aad Ku Dhaqmayso, Adiga Oo Aan Qiimayn Samayn, Kana Wahsanaya Waqtiga Aad Ku Qaadanayso Qiimaynta


3: Waxa Aad Ku Mashquushaa Go'aanka Intii Aad Xoogga Saari Lahayd Hab-Dhaqanka Sababaya In Uu Go'aankaasi Fulo. Tusaale Ahaan Haddii Aad Go'aansato In Aad Kacdo Salaadda Subax, Kaliya Waxa Aad Maskaxda U Sheegtaa In Aad Kacayso Salaadda Subax, Balse Ma Baddashid Hab-Dhaqabka Kugu Sababaya In Aad Kici Kari Waydo; Kaas Oo Noqon Kara In Aad Habeenkii Cawayska Ku Daahdo. Waa Inaad Samaysataa Caadada Kuu Suurto Galinayso In Aad Kacdo Xilli Hore, Taas Oo Ah Seexashada Waqti Hore Si Aad U Hesho Hurdo Kugu Filan.


4: Ma Lihid Hab-Nololeed U Diyaarsan Go'aankaaga: Haddii Uu Habka Aad U Nooshahay Yahay Mid Isku Dhex Yaacsan, Macquul Noqon Mayso In Aad Waqtigaaga Ka Faa'idaysato. Wanaaji Hab Nololeedkaaga Oo Samayso Caadooyin Kuu Saamaxaya Fulinta Go'aankaaga Ka Hor Inta Aanad Iska Go'aansan Qabashada Hawsha.


5: Waxa Aad Filataa Natiijo Deg-Deg Ah: Waligay Maan Arag Wax Ka Dhibaato Badan Filashada Natiijo Deg-Deg Ah, Waana Waxa Koowaad Ee Kaa Niyad Jabinaya In Aad Sii Waddo Ka Dhabaynta Go'aankaagaas. Wax Kasta Oo Aad Natiijadiisa Arkayso, Si Dhayal Ah Kumuu Imanin; Waxa Uu Qaatay Waqti Badan Oo Aanad Dareemin. Haddii Uu Wali Kugu Jiro Deg-Degsi, Uma Diyaarsanid Fulinta Go'aanadaada. Tan Waxa Markhaati Inooga Ah Kitaabka Sharfta Leh Oo Illaahay (S.W.T) Uu Suurado Ka Mid Ah, Kaga Hadlay Samirka Iyo Qiimihiisa. Samirku Waa Adkaysiga Dareen Ee Aad U Leedahay Dhammaanshiyaha Xaalad Adag Oo Aad Ku Sugan Tahay, Ama Natiijo Aad Sugayso Waqtiga Kasta Oo Ay Kugu Qaadato.


F.G: Marka Aad Gaadhayso Go'aan, Waxa Muhiim Ah In Aad Si Fiican Ugu Diyaar Garawdo, Aqbashana Wax Kasta Oo Ay Kaa Qadanayso Fulintiisu.


Waxa Qoray:- Xamse Tudhaale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...