Raysul Wasaaraha Britain Oo Loo Haysto Arrin Uu Sameeyey

0
Monday January 09, 2023 - 09:43:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysul Wasaaraha Britain Oo Loo Haysto Arrin Uu Sameeyey

    "maadaamaa uu shaqaala dowladeed uu yahay inuu xaq u leeyahay adeeg caafimaad inuu helo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maadaamaa uu shaqaala dowladeed uu yahay inuu xaq u leeyahay adeeg caafimaad inuu helo."


 

Raysal Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa marar badan diiday inuu sheego inuu isticmaalay dhakhtar caafimaadka oo gaar ah, isaga oo ku adkeystay arrintaasi ‘iney cidna quseyn’.

 

Sunak barnaamijka Laura Kuenssberg ee BBC maanta oo Axad ah ka baxay wuxuu u sheegay daryeel caafimaad marka uu u baahdo ‘isagu inuu dooranayo halka uu adeeggaasi u doonananayo’.

 

Madaxa kalkaaliyeyaasha caafimaadka Pat Cullen waxay sheegtay Raysal wasaaraha "maadaamaa uu shaqaala dowladeed uu yahay inuu xaq u leeyahay adeeg caafimaad inuu helo.”

 

Isla su'aashaasi Markii la weydiiyay, sii hayaha xoghayaha caafimaadka Wes Streeting wuxuu sheegay inuusan Raysal wasaaruhu isticmaalin daryeel caafimaad oo gaar ah.

 

Wareysiga, ay Laura Kuenssberg la yeelatay Raysal wasaaraha waxay soo jeedisay inay jirto doonitaan aad u weyn oo dhanka shacabka ka imanayo oo ku saabsan go'aammada Mr Sunak iyo in Raysul wasaarihii hore ee Konserfatifka Margaret Thatcher ay u furan tahay doorkeeda ah inay isticmaasho dhakhtar gaar ah.

 

Sunak wuxuu ku adkeystay qofka daryeel caafimaad halka uu u radsanayo iney tahay ‘arrin isaga u gaar ah’, wuxuuna intaa ku daray "inuu isagu ku soo barbaaray qoys adeegga caafimaadka ka hela Adeegga Caafimaadka Qaranka ee loo yaqaanno NHS”, iyo weliba aabbe dhakhtar ah iyo hooyo dawooyinka ku takhasustay.

Wuxuuna Raysal wasaaraha marar badan uu ka dhaga fureystay su’aasha marwalba la weydiiyo ee ku aaddan halka uu adeeg caafimaad uu ka helo inuu ka jawaabo, wuxuuna ku gaabsaday oo keli ah ‘in guud ahaan ay bukaannadu iyagu doortaan daryeelka caafimaadka ee gaarka ah ee ay adeeg caafimaad u doonanayaan.

 

Wargeys bishii November ee sanadki hore soo baxay ayaa qoray warbixin ku sabsan Mr Sunak inuu iska qoray dhakhtar gaar loo leeyahay oo aragtida dhakhtarka nusa-saaciba la bixiyo £250 giniiga starliinka.

 

Tirakoob ay dhawaan sameysay hay’adda NHS waxay ku sheegtay 58% bukaannada hay’adda ineysan ku iman ballamaha caafimaad ee loo qabto.

 

Hay’adda NHS dhankeeda waxay walaac ka muujisay jawaab la’aanta Raysal wasaaraha saameynta ay adeegga NHS mustaqbalka ku yeelaneyso.

 

Rish Sunak mar uu soo bandhigayey barnaamijyadiisa hortabinta leh ee ay dowladdiisu qabaneyso 2023-ka waxyaabihi uu ku xusay waxaa ka mid ahaa inuu sare u qaado adeeg bixinta hay’adda NHS isla-markaana uu yareeyo safafka dhaadheer oo looga jiro helitaanka adeegga caafimaad ee NHS.

 

Mr Sunak oo dabayaaqada bishii October loo dhaariyey Raysal wasaaranimada dalka UK ayaa noqday qofkii ugu horreeyey oo aan caddaan ahayn, ee raysalwasaare ka noqda dalkaas iyo kii ugu yaraa qarnigan, isaga oo jira da’aadda 42 sano.

 

BBC


Loading...
Loading...